3 Waxyaabood Oo Ilkahaga U Daran Iyo Sida Looga Hortago

0
329

ilkaha

1. Cabitaanka Warshadeysan

Cabitaanka dhalooyinka ku jira ama casiirka qasan ayaa sokor aad u badan iska leh kasoo marmar ka sokor badan soda-da sida pepsi. Cabitaankisa ayaa wax saas ah uga sahlaneyn adoo shukulaato ku luqluqda.

Xalka: Waxad ku caabtaa tuubada cabitaanka ‘Straw’ oo cabitaanku yuusan taaban ilkahaga dhuuntaada toos ha u maro. Waxaad sugta mudo dhan 45-daqiiqo markaad cabtid kabacdi markas iska caday ilkaha. Sababtoo ah aashitada ku jirta cabitaanka ayaa jilciyay korka ilkaha.

2. Miraha la Qalajiyay (Dried Fruit)
Miraha ama khudaarta la qalajiyay ayaa u daran ilkaha ayagoo ku beera dhagdhag kasoo sokorta soo jiita wasakh badana ilkaha ku beera. Inkastoo khudaarta qeybteyd ilkaha u fiicanyihin ma aysan u fiicana markii la qalajiyo.

Xalka: Si fiican iskaga caday ilkaha adoo dhagdhaga mirahaas wataan ka nadiifinaya isla markiiba.

3. Vitamins oo la calashado
Vitamins-ka nooca la calashado oo gummy vitamins loo yaqaan ayaa ayana sababa dhagdhag sida miraha la qalajiyay kasoo waxyaabo adag ‘Gingivitis’ ku beera dhinacyada ilkaha hadii aan laga nadiifin.

Xalka: Vitamin-kaga nooca kaniinka caadiga ah u badallo, inkastoo uu qaraaryahay balse waxaad ka baqaneysa booqashada dhakhtarkaga ilkaha.