AMISOM oo sheegtay inay ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ah dagaalkii ka dhacay Degmada Qoryooley.

0
626

TOP_NEWS

War kooban oo lagu qoray xalay barta Twetterka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in illaa iyo 15 dagaalame oo Xarakadda Al-Shabab ka tirsanaa ay ku dileen dagaalkii ka dhacay degmada Qoryooley G/Sh/hoose.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dagaal muddo socday kadib ay ciidamadu ku guulaysteen in dagaalamayaasha Al-Shabab dib u celiyaan khasaare badana loo geystay.
“Al-Shabab waxaa uu u ahaa weerar ay soo qorsheeyeen oo ujeedkiisu ahaa inay Qoryooley ku qabsadaan hase ahaatee ayagaa lagu jabshay meydadka 15 dagaalame ayayna ka carareen”.
Al-Shabab waxay iyagu sheegteen inay guul ka gaareen weerarkii ay saaka ku qaadeen degmada Qoryooley oo ay gawraceen askar Soomaali ah.