Beelo ku dagaalamay gobolka Sool oo deg deg amar loo siiyay

0
655

cameey

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cumar Camey ayaa maanta u ambo baxay deegaanadii dhowaan lagu dagaalamay ee howdka gobolka Sool.
Camay ayaa la sheegay in safarkiisu la xiriiro xaalada colaadeed ee ka taagan degaanada baadiyaha ah ee ku xeeran degmada Buurtinle halkaasoo maalmihii lasoo dhaafey dirir ku dhexmareysay labo beelood oo walaalo ah.
Madaxweyne ku xigeenka oo saxaafada kula Hadlay tuulada Jalam ee gobolka Nugaal ayaa sheegay inay Puntland ka go’an tahay dhameynta colaada labada beelood ee walaala ah.
Camay ayaa la sheegay in safarkiisu la xiriiro xaalada colaadeed ee ka taagan degaanada baadiyaha ah ee ku xeeran degmada Buurtinle halkaasoo maalmihii lasoo dhaafey dirir ku dhexmareysay labo beelood,
Eng. Camey wuxuu ugu baaqay labada beelood ee walaalaha ah inay nabad galyada qaataan islamarkaana lasoo afjaro colaada gaamurtay ee dhibaatada ba’an u geysatay dadka iyo deegaanka.
Dhawaan Ayeey Aheyd Markii Dagaallo Sababay Dhimashadda Dad Gaaraya 20-Qof iyo Dhaawaca Intaasi Ka Badan Uu Ka Dhashay Dagaalka Dhex Maray labada Beelood.