Cigaal Shiidaad iyo Colkii

0
670

cigaal1Inta aadan akhrin ka hor
Weligaa ma maqashay Cigaal Shiidaad?
Nin sidee ah ayaa uu ahaa?
Sheekadan aad akhrin doontid waa noocee?
Beri hore waxa jiri jirey nin la oran jirey Cigaal Shiidaad. Cigaal waxa uu ahaa nin fulay ah oo wax kasta ka baqa. Maalintii dambe ayaa raggii qabiilkiisa ahaa oo dhammi ay dagaal tageen oo qabiilo kale ay la dagaallameen, laakiin Cigaal gurigii ayaa uu ku haray oo in uu dagaal tago waa uu ka baqay.
Maalintaas ka dib, Cigaal waxa uu maqlay in raggii qabiilkiisa ahaa la jebiyey, colkiina ay isaga ku soo socdaan oo ay doonayaan in ay dilaan. Haweentii uu qabey ayuu ka codsaday in ay caws ku duu-duubto oo marka uu colku soo gaarana ay u sheegto in uu dhintay.
Haweeneydiisii sidii ayey yeeshay oo inta ay caws ku duuduubtay ayey dhinac fariisatay oo ay ku barooratay, “Cigaal Shiidaad oo col hortii go’ay.”
Cabbaar yar ka dib ayaa colkii soo gaaray reerkii maqleenna baroortii haweeneydii Cigaal.

Colkii fardihii ayey ka soo degeen oo ay u soo dhawaadeen goobtii ay gabadhu fadhidey, dabadeedna waxa ay weydiiyeen waxa ku dhacay. Haweeneydii waxa ay colkii u sheegtay in ninkeedii Cigaal uu dhintay.
Abbaanduulihii colka ayaa gabadhii weydiiyey goorta uu ninkeedii dhintay. Intii ay jawaabtii soo waddey ayaa Cigaal cawskii uu ku duuduubnaa ka soo boodey oo yiri isaga oo qaylinaya, “Shaluu go’ay, naa shaluu go’ay dheh!”
Abaanduulihii colka waxa uu Cigaal u arkay in uu yahay nin maad badan. Dabadeedna colkiisii ayaa uu ku amray in ay faraha ka qaadaan Cigaal oo aanay dilin.
Ka jawaaba su’aalahan.
1. Maxaa ay dadku u yaqaaneen Cigaal in uu yahay?
2. Maxaa Cigaal uu u raaci waayey qoladoodii dagaalka tagtey ee uu guriga ugu haray?
3. Maxaa uu Cigaal ku yiri haweeneydiisii uu qabey?
4. Maxaa ay haweenayda Cigaal ugu barooranaysey markii colku soo gaaray gurigeeda?
5. Haweeneyda markii colku waraystay Cigaal maxaa uu u sheegay in ay colka ugu warranto?
6. Maxaa abbaanduulihii colku u aqoonsaday Cigaal in uu yahay?
7. Maxaa Colkii qabtay Cigaal abbaanduulahoodii uu ku amray?
Sheekadooyinkani waxay ka mid ahaayeen Buugga Aan Sheekeysano oo uu qorey Qoraaga Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

LEAVE A REPLY