Cigaal Shiidaad iyo Nayl

0
604

cigaalsh

Sheekooyin dhaqameedyo
Cutubkan waxa aad ka akhrin doontaa sheekooyin dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Inta aadan akhrin ka hor.
Waa maxay cinwaanka sheekada?
Sheeko noocee ah baad u malayneysaa in ay tahay?
Ma jeceshahy sheekooyinka Cigaal Shiidaad?
Ma malayn kartaa tilmaan kasta ee qeexaysa Cigaal Shiidaad?

* * *
Cigaaal Shiidaad waxa uu ahaa nin nabadda jecel, laakiin waxaa lagu tilmaami jirey nin caan ku ahaa xagga fulaynimada. Sidaa darteed, sheekooyinkiisu waxa ay u badan yihiin kuwa ka hadlaya fulanimadiisa.
Waxa la yiri, “Cigaal Shiidaad oo tukanaya ayaa nayl xaggiisa u soo carartay. Cigaal baa boodey oo salaaddii ka baxay. Waxa uu u cararay dhinicii nayshii u carartay.” Cigaal iyo nayshii oo is daba ordaya ayaa ku xerooday gurigii reerka.

Cambaro oo ahayd islaantii Cigaal ayaa dibadda uga soo booddey aqalkeedii oo weydiisay, “War Cigaal maxaa ku eryanaya?”

Cigaal inta uu dib eegay ayaa uu ku jawaabey, “Bahalkaan madaxa madoobi waxa uu ka ordayo ayaa aan ka ordayaa!” Bahalka ma taqaan? Waxa uu sheegayo waa nayshii.

1. Qor run, been ama ma aqaan.
1 . Nayshu waxa ay ka baqday waraabe.
2. Cigaal waxa uu karinayey cunto.
3. Cigaal waxa uu ka daba orday nayshii.
4. Nashii ayaa daba oroday Cigaal.
5. Cigaal waa uu baqay.
6. Cigaal waxa soo weeraray waraabe.
7. Cigaal iyo nayshii waxa ay galeen gurigii.
8. Magaca xaaska Cigaal waxaa la oran jirey Cibaado.
9. Cigaal xaaskiisu waxa ay karinaysay cunto.
10. Cigaal xoog ayaa uu u orday.

2. Ka codso qoyskiina in ay kuu sheegaan sheeko kale ee ku saabsan Cigaal. Dabadeed u sheeg saaxiibbadaa.

3. Isku macne
Had iyo jeer waxa jira erayo isku macne ah.

Sheekadooyinkani waxay ka mid ahaayeen Buugga Aan Sheekeysano oo uu qorey Qoraaga Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

Waxaa diyaariyay:
Mohamed Ali Madka

LEAVE A REPLY