Ciidamada Ethiopia oo weeraray Gudoomiye Gobol oo Garbahaareey ku sugan

0
672

MaxamedCabdiKaliilWararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaareey ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow Ciidamo ka socdo Kuwa AMISOM ay hareereeyeen Guriga Gudoomiyaha Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil uu ka daganyahay Magaalada Garbahaareey.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey Iimaan Caddoow Kaarshe Ayaa sheegay in Saakay Gudoomiyaha uu soo Gaaray Degmada Garbahaareey Markii uu yimid degmadaasina Waxaa isku hareeyay Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale ciidamada AMISOM ee ka socda dowlada Ethiopia ayaa sideed gaadiidka dagaalka iyaga oo wata waxay isku hareereeyeen guriga Gudoomiye Kaliil u ka degen yahay Garbahaareey.

Luul Nuur Cali, oo kamid ah haweenka ku dhaqan degmada Garbahaareey ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in dagaal xoogan uu ka dhaco degmada, maadaama ciidamada ay isku horfadhiyaan degmada Garbahareey.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii gudoomiye Kaliil uu ku laabtay Garbahaareey, iyada oo halkaasi uu taageero badan ku leeyahay Kaliil, lakiin Axmed Madoobe ayaa gobolka u magacaabay gudoomiye cusub.

Warkii