Ciidamada Itoobiya oo ka baxay meelo Soomaaliya ka mid ah

0
1066

itoobiya

Wararka ka imaanaya Deegaanka Buqaqable Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Halkasi ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.

Wararka kale oo aan weli la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Buqaqable ay gudaha u galeen Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab.

Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan isaga baxay Deegaanka Kuntuwarey Ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay la wareegen Al Shabab.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrimahan dib ayaanu ka so gudbineynaa.