Ciidamada maamulka Galmudug oo saaka howlgallo dhinaca ammaanka ah ka wada Cabuudwaaq

0
893

Halokan ka dhegeyso warbixinta:

Xaaladda degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa saaka deggan kaddib markii ciidamada maamulka Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaaladaasi.

Cabdi kariin Axmed Bulxan oo ah wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama Cabuudwaaq ayaa soo sheegay in malleeshiyaadkii Ahlusunna ay xalay saqdii dhexe ka dhamaadeen magaaladaasi, kaddib markii looga itaal roonaaday dagaal labadii maalmood ee u dambeeysay ka dhacay degmadaasi.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa xalay ilaa saaka howlgallo la xiriira dhinaca ammaanka ka sameeynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi ka koobantahay.

Radio Muqdisho