DAAWO SAWIRADA ” WIIL MUSLIM AH OO LOO XIRAY SAACAD UU SAMEEYAY IYO XIISAD ARINTAASI KA DHALISAY MAREYKANKA

0
1066

sacad_1

Wiil 14-sano jir Muslim ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed ayaa loo xiray saacad uu gacantiisa kusoo farsameeyay, waxaana arintan ay abuurtay xiisad iyadoona dadka muslimiinta ah ay falkan aad uga caroodeyn kuna tilmaameen muslin Naceyb.

Maxamed Axmed oo ahaa arday dhigta iskuulka Irving MacArthur, ayaa si kadis ah macalimiintiisa utusay saacad uu soo farsameeyay si uu uga farxiyo uguna hambalyeeyaan, hasa ahaatee macalimiinta oo ka shakiyay in saacadan ay tahay waxyaabaha qarxa ayaa durba u wacay booliiska.

Ciidamo katirsan booliiska Mareykanka oo durba Iskuulka yimid ayaa qol gaar ah ku xiray wiilkaasi ardayga ah , waxa ayna baaritaan ku sameeyeen saacada uu watay uu gacantiisa kusoo farsameeyya, waxaana markii dambe la sii daayay wiilkaasi markii saacada la ogaaday in ay caadi tahay.

Wiilkan oo asalkiisu kasoo jeedo Dalka Sudan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga loo geestay, waxa uuna tilmaamay in ujeedkiisu ahaa in macalimiinta uu uga farxiyo farsamadiisa balse taa badalkeeda xarig loogu badalay.

Arintan ayaana xiisad ka abuurtay gudaha Dalka Mareykanka, waxaana dhacdadan ka xumaaday dadka muslimiinta ah ee kunool Dalka Mareykanka oo ku tilmaamay sida loola dhaqmay wiilkaasi ay tahay Islaam naceyb.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa si uu dajiyo xiisadan waxaa uu wiilkan yar ee farsameeyay saacada uu ku casuumay aqalka Cad ee Dalka Mareykanka, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Mareykanka.

sacad_2 sacad_3