Dawacooy Afku Dufanleey (Sheeko Xariir) By: Maxamed Sheekh

0
660

danwaco

Reer-miyiga Soomaalidu waxay leeyihiin sheekooyin falsafadeysan oo intooda badan ka hadla bay’addooda ayna jilayaal uga dhigaan xayawaannada dhulka kula nool ee uu dugaaggu ka midka yahay. Sheekooyinkaas waxay u qaybsamaan dhawr nooc waxaase oogu muhiimsan noocyada maadda ama qosolka xambaarsan iyo noocyada cabsida xambaarsan iyo kuwa ay labadaas noocba ku kulansan yihiin, waxayna u sii kala baxaan qayb inta ilmuhu hooyadii sida tooska uu ugu xiran yahay ee uusan xoola raacidda gaarin looga sheekeeyo iyo qaar kuraynimada ama gabadhu intay foodleyda tahay loo sheego, intooda badanna waxayba asal ahaan ka soo maaxdeen maskaxaha hooyooyinka.

Noocyada maadda ama qosolka leh waxaa looga dan leeyahay in canugga garaadkiisa lagu dhiso, afsoomaaligiisana lagu kobciyo, habka dadka loola hadlo ama loogu warramana lagu baro, qaybta cabsida ahna waxaa jirtay inuu dhulka soomaalidu aad u dhir badnaan jiray, xayawaannada uu dugaaggu ka midka ahaana ay aad oogu badnaayeen.

Haddaba si ilmihii yaraa asagoon khibrad iyo awood uu isku difaaco’toona lahayn uusan inta iskaga dhaqaaqo aqalki ama xoolihi ooga tagin oo intuu kaynti iska dhex-galo aan waraabe, libaax ama yeyba u cunin ee uu dadki waaweyn u ag-joogo ayaa sheekooyinka cabsida leh looga sheekayn jiray oo sheekooyinkaasu waxay hooyooyinka u ahaayeen ilma-ilaaliyeyaal (baby-siters) oo hawshooda ayey iska qabsanayeen ayagoo og in ilmihi yaraa uusan kaligii duurka iska aadi karin oo waxa u ilaalinaya ay yihiin sheeko-xariiradii khatarta dugaagga ka hadleysay ee ay maankiisa ku qonfuleen, taasoo markuu sii waynaadaba uu si tartiib-tartiib ah u sii ogaanayo inay maaweelo ahayd ama sida loo oranayey ay u jirin.

Waxaa kaloo lagu barayey in cabsida dhulka ka jirta intuu yar-yahay la sii ogaysiiyo si uu taatikadii la isaga difaaci lahaa uu oola yimaado, mararka qaarna dad dadka cuna, sida dhagdheer oo sabiyada yaryar looga sheekayn jiray iyo waraabe-dadoow ama qori-ismaris oo ayaguna kurayda iyo gabdhaha roonroon looga sheekayn jiray.

Waxaa kaloo lagu sii kala bari jiray dhaqanka iyo dabeecadaha dugaagga iyo siday u kala qatarsan yihiin ama u kala awood weyn yihiin. Haddaba sheekooyinka dugaagga ku saabsanaa waxaa ka mid ahaa middaan soo socota.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu libaaxa aarka ah uu boqor u ahaa, waxayna ugaarsadeen oo disheen neef geel ah. Libaaxi baa waraabihi ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yiri ciidanku waa badan yahay neefka barkiis ha qaateen, adiga aw-libaax ahna barka kaloo dhan wada qaado.

Libaaxii oo asagu isla rabay inuu neefka dhan wada qaato oo markii uu iskiis uga dhargo ay hambada luflufka af habar-dugaagoo dhan wadaagaan ayaa xanaaqay oo bahal dhurbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray, ka dibna dawaco ayuu ku amray inay neefki hilibkiisi qaybiso.

Dawaco oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tiri (Ugaasoow ku wada siiyaye – neefka wada qaado).

Libaaxi oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadi ku yiri (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tiri (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay).

Maalinkii danbe ayaa ayadoo libaaxi goobti ka maqan yahay oo uu aw-waraabe meesha u sarreeyo neef kale la dishay.

Waraabihi oo jawaabti ay dawacadu libaaxi siisay iyo waliba qilaafki ay xagga qaybinta ku qilaaftay ka sii xanaaqsanaa ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo, ayadoo qatanna ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo qasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato.

Kolkii neefki cuniddiisi la billaabay ayuu cad baruur ah soo jaray oo dawacadi afka u marmariyey.

Kolkii uu dugaag hor leh oo cunidda neefka ka qayb-galaya yimaado, su’aalona sababta ayna dawaco sabta uga qayb-galeynin ayuu aw-waraabe ku jawaabayey way dharagsan tahay oo horay u qadeysay oo wataa afka dufanka ku leh, dugaaggii yimidna uu ku jawaaba (dawacooy af-ku-dufanley, dheregtay oo noolaataye meeshaada iska fadhi).

[cplw category=”613″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”12″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]