Deg Deg: Nicholas Kay oo Qarax Lagu Weeraray

0
569

key

Laba ruux oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay dhinteen tiro kalena dhaawacmeen, kadib markii gaari uu la socday wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay lagu weeraray gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, fiiidkii caawa.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaraxa uu caawa fiidkii ka dhacay albaabka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya ee dhinaca SYL, xilli la sheegay in Key iyo ilaaladiisa ay Madaxtooyada ka soo baxeen.

Lama sheegin waxyeello soo gaartay Nicholas Kay, hasa yeeshee waxa waxyeello soo gaartay qaar ka mid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli goobtu ay ka soo qul qulayeen wariyayaal iyo wafuuddii shirka ka qeyb gashay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintaasi, waan idin soo gudbin doonnaa.

Wixii ku soo kordha Dhacdadan iyo faahfaahino dheeri ahna waan idin soo gudbineynaa

XIgasho: VOA SOMALI

Kala soco Markacadeey.com

Xafiiska Markacadeey.com ee Muqdisho

Email: xafiiskamuqdisho@hotmail.com