Dhegeyso Kiiska Xaashi Fure oo waji kale yeeshay.

0
944

xaashi-furre
Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira Kiiska Korneyl Xaashi Furre, kaasoo maalmahaan saxaafada gudaha ay hadal haysay in Guri uu lahaa oo degmada C/casiis ku yaala xoog looga saaray.

Haween Soomaaliyeed oo ganacsato ah laguna kala magacaabo Duniya Maxamed Faarax & Haweeyo Xirsi Faarax, ayaa maanta saxaafada u sheegay in Guriga ay iibsadeen oo ku yaal degmada C/casiis uu xoog kaga haysto nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Xaashi Furre oo hada darawalka R/wasaare Cumar C/rashiid.

Duniya Maxamed Faarax, waxay sheegtay in Gurigaan ay ka’iibsadeen nin la yiraahdo C/risaaq Xaaji Cali Faarax ayna haystaan dhamaan Dukumiintiyadii Guriga ay ku iibsadeen.

Duniya oo sii hadleysay ayaa sheegtay in Xaashi Furre oo horay u ahaa darawalkii Siyaad Barre haatana ah darawalka R/wasaaraha uu doonayo inuu xoog ku haysto Gurigooda asigoo adeegsanaya awooda Xafiiska R/wasaaraha.

Halkan ka dhagayso codka Duniya:

      duniya

Haweeyo oo iyadana sheegtay ineey wax ka leedahay Guriga, ayaa ku dooday in meel walbo oo ay u dacwoodeen iyo Maxkamad kasta ay u xukmisay Gurigooda, markii ay ciidamada Booliska damceen ineey guriga ka saaraan Xaashi uu dagaal kala horymid, isagoo garab ka helayaxafiiska R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid.

20150906_121428 20150906_121459 20150906_1214281