Diin iyo Maroodi

0
1266

diin

Beri baa waxaa jirey diin iyo maroodi saaxiib ah. Laakiin maroodiga mar walba waa uu faani jirey. Waxa uu oron jirey, “Anigu waan kaa weynahay. Waan kaa xoog badnahay. Waan kaa caqli badnahay.”

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa diinkii maroodigii la hadlay. Waxa uu ku yiri, “Waryaa maroodi. Ma ogtahay in aan kaa dul boodi karo.”

Maroodigii waa uu qoslay waxa uu ku yiri, “Igama aad dul boodi kartid oo waxa aan ahay mid qara weyn. Adigu waa aad yar tahay. Beentaas oo kale ha sheegin, kuuma fiicnee.”

Laakiin diinkii waxa uu yiri, “Waa aad arki doontaa in aan run sheegayo iyo in kale ee waa inoo berrito.”

Habeenkaas diinkii waxa uu aaday gurigiisii, waxa uuna ku yiri xaaskiisii, “Naa berrito waxa aan ka dul boodayaa maroodi.” Waxa ay tiri, “Ma kari kartid ee bal hoos isu eeg inta aad la’eg tahay.” Waxa uu ku yiri diinkii xaaskiisii, “Waan khiyaanaynayaa ee sidaa ula soco.” Naagtii diinka ayaa qososhay oo tiri, “Waayahay ee aan aragno.”

Subaxii dambe ayaa diinkii iyo xaaskiisii tageen gurigii maroodiga, oo xaaskii diinka ayaa waxa ay isku qarisay dhagax weyn oo yaallay guriga maroodiga gadaashiis. Dabadeed maroodigii ayaa yimid. Maroodigii bannaanka ayaa uu u soo baxay oo waxa uu yiri, “Bal waa I kane iga dul bood haddii aad kartid.”

Dabadeed maroodigii waxa uu bilaabay in uu iska cuno caleemaha dhirta. Caleemuhu aad bay u macaanaayeen. Balse maroodigu waxa uu hilmaamay arrintii ka dhaxaysay bakaylaha iyo isaga. Taansa waxa ay fursad weyn ugu noqotay diinkii.

Si yar oo deggan ayaa uu diinkii u soo dhaqaaqay ugana soo hoos dhaqaaqay duurka. Isla markaana naagtii diinka oo iyadu meel isku qarineysay ayaa ka soo baxday dhinicii kale.

Waxa ay tiri, “Ma i aragtaa in aan kaa dul booday.”

Maroodigii waxa uu la yaabay arrintii oo waxa uu rumaysan waayey sida diinka yari uga dul booday. Weligii mar dambe ma uusan faanin.

8. Erayo
Ka dooro macnaha saxa ah ee erayada hoos ka xarriiqan ee sheekada.

1. Wiilku had iyo jeer waa uu faani jirey.
b) waa run sheegid.
t) waa dhihid wax aan run ahayn.
j) waa dhihid in waxqabadkiisu ka fiican yahay kii hore.

2. Ayeeyday waa caaqilad. Waa ay taqaan
wax waliba.
b) waa maskax badan tahay.
t) waa nacasad.
j) waa duq.

3. Ma fiicna in la sheego been.
b) waa shay run ah.
t) waa shay aan run ahayn.
j) waa shay naxariis darro ku jirto.

4. Waxa aan iloobey in aan berrito leenahay imtixaan.
b) ma aanan xusuusan.
t) waa aan xusuustay.
j) ma ogayn.

9. U shqeeya koox-koox. Ka dooda su’aalahan.
1. maroodigii maxaa uu yiri markii uu faafanayey?
2. sidee buu diinku u khiyaanay maroodigii?
3. sidee buu qorshahaani u fuley?

10. Erayada wax isku xira
U shaqeeya laba-labo. Weerooyinkan u dhig sida ay isugu xigaan. Isticmaal erayadan wax isku xira.

Ugu horrayn, ku xiga, dabadeed, taa ka dib, ugu dambayntii.

Diinkii waxa uu isku qariyey dhirta gadaasheed.

Labadii diin waxa ay samaysteen qorshe.

Diinkii waxa uu yiri, “Waa aan kaa kor boodi karaa.”

Diinkii waxa uu u faanay maroodigii.

Labadii diin waxa ay ku guulaysteen khiyaanadii.

11. Is bar-bardhig.

Fiiri weerooyinkan.

Maroodigu had iyo jeer waa uu faani jirey.
Waxa uu yiri, “Waa aan kaa weynahay adiga. Waa aan kaa caqli badnahay.” Maalin ayaa bakaylihi yiri, “Waxa aan ka boodi karaa meel adiga kaa sarraysa.”

1. Qor saddex weero oo aad isku bar-bar dhigaysid diinka iyo maroodiga sida weerooyinka kore.
2. Qor saddex weero oo aad isku bar-bar dhigaysid libaax iyo bisad.
3. Qor saddex weero oo aad isku bar-bar dhigaysid wiil iyo nin.

Sheekadooyinkani waxay ka mid ahaayeen Buugga Aan Sheekeysano oo uu qorey Qoraaga Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

Waxaa diyaariyay:
Mohamed Ali Madka

[cplw category=”613″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”12″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]