DOWLADA FEDERAALKA MAXAY KA TIRI DAGAALADA CAABUDWAAQ?.

0
820

caabudwaaq

War kasoo baxay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laggu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada caabudwaaq inay joojiyaan dagaalka.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay in dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xuntahay dagaalka caabudwaaq, waxaana dhinacyada Galmudug & ahlusuna uu ugu baaqay joojinta Dagaalka labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada.

Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi maalintii labaad ka socda degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Inta la ogyahay dagaalka ka dhacay degmada Cabud-waaq ayaa waxaa ku geeriyooday dad rayid ah oo gaaraya 8-Qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkii shalay Ahlusuna Magaalada dibada ayaa looga saara waxaana wararka saaka la helayo ay sheegayaan in ay isis soo aruursanayaan.

Boqol qoys ayaa la sheegay in dagaalka caabudwaaqay ku barakaceen, waxaaa jira saamyan xoogan oo dadaaladii dhacay ku yeesheen Magaalada Caabudwaaq.

Xafiiska Wararka Markacadeey, Dhuusomareeb.