Dowlada Uganda oo ka hadashay Warka sheegaya in askar nool oo ciidankooda katirsan ay heestaan Al-Shabaab

0
942

AmisomDowlada Uganda ayaa beenisay war dhawaan shaaciyeen Xarakada Al-Shabaab oo ku aadanaa in ay gacanta ku hayaan Ciidamo nool oo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Dalka Uganda.

Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Al-Shabaab oo sheegayay in nolol ku hayaan Ciidamo kasoo jeeda Dalka Uganda, Ciidamadaasi oo kamid ahaa kuwii dhawaan lagu weeraray Deegaanka Janaale.

Waxa uu sheegay Afhayeenka warka kasoo baxay Al-Shabaab uu yahay mid xaqiiqda ka fog , waxa uuna tilmaamay in ay la hadleen saraakiisha AMISOM ayna u xaqiijiyeen in ciidankooda ay dhan yihiin ayna been tahay in askar nool oo AMISOM katirsan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Bayaan uu dhawaan soo saaray Afhayeenka Howlaglada u qaabilsan Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan askar iyo saraakiil nool oo katirsan Ciidamada AMISOM .

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay askarta katirsan AMISOM ay hayaan lagu qabtay dagalkii cuslaa ee dhawaan ka dhacay xero ay AMISOM ay ka dagnaayeen Deegaanka Janaale, waxa uuna balan qaaday in dhawaan soo bandhigi doonaan magacyada iyo darajooyinka askarta ay hayaan.

Allbanaadir