DOWLADDA HOOSE XAMAR OO GANAAXDAY GANACSATO LAGU HELAY NADAAFAD DARRI (SAWIRRO)

0
1478

Wadada-Maka-Al-Mukarama6

Dowladda Hoose Xamar, ayaa maanta ganaaxday ganacsato mehrado ganacsi ku haysta wadada dheer ee u dhaxeyso Maka Al Mukarama illaa Isgoyska KM4, ka dib markii lagu helay inay qashin soo dhigeen wadadaasi.

Dadka la ganaaxay, ayaa isugu jira ganacsato dukaamo ku haysta wadada iyo kuwo kale, oo leh labaajadaha gawaarida lagu dhaqo, waxaana si isku mid ah loogu eedeeyay inay sameeyen waxyaabo ka dhan ah billicda Caasimadda.

Ganacsatadan, ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag u dhaxeyso boqol illaa shan boqol oo kun oo shilinga Somaliga ah, si aanay dib dambe ugu dhiiran inay ku kacaan wixii lagu helay.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysten awaamiir ay horey kaga soo saareen arrimaha billicda Caasimadda.

Xalane oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan tallaabada ay ku ganaaxayan ganacsatada mehradaha ganacsi ku haysta wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Axmed Xuseen Mahdi, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay joogto ka dhigi doonaan kormeerka ay ku sameynayan wadooyinka Caasimadda, sida uu yiri.

Agaasimaha Nadaafadda Dowladda Hoose Xamar, C/casiis Goodax Barre, ayaa sheegay in ganaaxu uu ku waajibi doono cid kasta oo ku xadgudubta billicda Magaalada Muqdisho

Wadada-Maka-Al-Mukarama1[cplw category=”654″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”3″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”title” order=”desc”]

Wadada-Maka-Al-Mukarama4 Wadada-Maka-Al-Mukarama6