EURO 2016: JAUN MATA OO XULKA QARANKIISA SPAIN GUUL KU HOGAAMIYAY, LA ROJA OO GUUL KA SOO GAADHAY MACEDONA IYO SPAIN OO DHEERAYSATAY HOGAANKA

0
1090

Spain ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay xulka qaranka Macedona oo ay marti u haayeen. Spain ayaa kulankan ku badisay 1:0 waxaana goolka kaliya udhaliyay Juan Mata. Guushan ayaa Spain ka caawisya inay dheeraysato hogaaka Group C kadib markii ay barbaro gool la’aan ah ay ku kala baxeen Slovakia iyo Ukraine.

Xulka qaranka Spain ayaa kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euro 2016 marti u ahaa xulka qaranka Macedona oo ay kuwada jiraan Group C. Spain ayaa kulankan iskeentay iyada hogaanka u haysa Group C kadib markii ay kulankii hore guul 2:0 ah ay ka soo gaadhay xulka qaranka Slovakia.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Del Bosque ayaa kulankan shaxdiisa isbadal ku sameeyay, wuxuuna shaxdiisa ku bilaabay goolhaye David De Gea, waxaana sidoo kale difaaca Spain ku bilawday Dani Carvajal iyo Juan Bernat. Isco, Buesquets iyo Cazorla ayaa khadka dhexe ee Spain wadaagayay halka David Silva, Juan Mata iyo Diego Costa ay safka werarka ka ciyaarayeen.

Spain ayaa ciyaarta ku bilaabatay kalsooni wayn waxayna doonayeen inay ciyaarta xili hore isbadal ka sameeyaan, waxayna hamigooda gaadheen daqiiqadii 8 aad kadib markii uu Juan Mata xulka qarankiisa Spain uu udhaliyau goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Spain hogaanka ciyaarta ku qabtay bilawgii ciyaartaba.

Kubbad uu ka helay Busquets ayuu Mata isku dayay inuu goolka Macedonia soo hormariyo, laakiin qalad uu sameeyay goolhayah ree Macedonia ayaa keentay inay kubbadu si toos ah goolka u gasho.Spain ayaana bilawday inay kubbada ilaashato isla markaana ay raadiso goolka labaad.

Daqiiqadii 42 aad ayay Spain ku sigatay inay goolka labaad hesho kadib markii uu Dani Carvajal gool ku dhalin gaadhay qaab la mid ah sidii uu Mata goolka furitaanka ku dhaliyay laakiin darbada difaaca Spain ee Carvajal ayaa birta goolka ku dhacday.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna Macedona tijaabin goolhaye David De Gea oo ay qabta hore u ahayd nasasho laakiin waxa ay u difaacdeen si fiican, waxaana labada xul qaran qaybta hore kala saaray gool nasiib ahaa uu Mata dhaliyay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid aad u sii adkaatay waxayna Spain iyadu doonaysay inay ugu yaraan ciyaartu ku dhamaato natiijadii ay qaybta hore hogaanka ku haysatay laakiin xulka qaranka martida loo ahaa ee Macedona ayaan u muuqan kuwo halis wayn ku abuuraya difaaca iyo goolka Spain.

Tababare Del Bosque ayaa dhamaadkii ciyaarta soo galiyay Andrés Iniesta isaga oo waqti ka horna soo galiyay Koke wuxuuna doonayay in kooxda xulka qarankiisu ay kubbada ku ilaalishato khadka dhexe. Diega Costa oo kaadh digniin ah la siiyay ayaa isna lagu soo badalay Paco Alcácer. Costa ayaa Spain kulanka danbe ee ay Spain la ciyaari doonto Luxembourg ganaax kaga maqnaan doona.

Macedona ayaa dhamaadkii ciyaarta dadaal ugu jirtay inay Spain ka dhaliso gool hooyoo ku go ah, laakiin khibrada Spain iyo kubbada hayntooda ayaa ka caawisay inay ugu danbayn ciyaarta ku dhameeyeen 1:0.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Spain culays badan dareemaysay.Guusha ay Spain sida adag kulankan ku gaadhay ayaa ka caawisay inay dheeraysato hogaanka Group C iyada oo Slovakia iyo Ukraine ay barbaro galeen.