Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Caawada Muqdisho ku dhigaya Bandhig Faneed ciida darteed+ Qiimaha lagu galayo

0
602

xidigaha

Hotel City palace waxaa caawa lagu qabanayaa Bandhig Faneed aad loo wada sugayay kaasoo ay dhigayaan Fanaaniin reer Hargeysa ah kuwaasoo ka tirsan Kooxda Xidigaha Geeska .

Bandhig Faneedkaaan oo lagu galayo $30 waxaa qabanaya Fanaaniinta kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday.

Bandhig Faneedkaan waxaa caawa loo xirey wadooyinka ku dhow dhow Hoteelkaasi si amaanka loo xaqiijiyo madaama ay ka qeybgeli doonaan Mas’uuliyiin Dowlada ka tirsan.

Dhalinyaro badan ayaa ku sii qulquleysa hoteelka oo lagu wado in ilaa caawa saqdhexe ay socoto marka la eego heesaha kala duwan ee Fanaaniintaasi ugu talo galeen daawadayaasha.