Fanaaniintii lagu xiray Magaalada Hargeysa oo la sii daayay

0
1807

GEESKA

Waxaa maanta Xabsiga Dhexe Hargeysa laga sii daayay Nimcaan C/raxmaan Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, C/raxmaan Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Kiinaal, xilli Axadii lagu xiray Garoonka Hargeysa, markaa oo ay ka soo laabten Magaalada Muqdisho, oo bandhig faneed ay ku qabteen habeenimadii Ciidda.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, ayaa waxaa lagu amray sii deysmada Fanaaniinta. Qoraalka waxaa lagu sheegay in Taliyaha Dembi Baarista iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Hargeysa, laga dalbanayo inay dib xoriyadoodu u siiyaan Hobolada Xidigaha Geeska.

Axmed Dalmar Ismaaciil, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, oo qoraalka ku saxiixnaa, ayaa sheegay inaanan muwaadinka la xiri karin, haddii aan lagu soo qaban isagoo kiis faraha kula jira.

Gudoomiyaha waxa uu laamaha ammaanka uu ku dhaliilay inay ku fashilmayn in sifo sharci ah ku soo eedeyan Fanaaniinta, sidaasi daraadeedna la faraayo inay oodda ka qaadaan.

Xarigan, ayaa wuxuu noqday hadalhaynta ugu xoogan ee bulshadu isla dhex marayso. Dhinaca kalana barraha bulshada ku wada xiriirto, ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Xukuumadda Somaliland.

Hobolada Somaliyeed ee dal iyo dibadba ku kala sugan, ayaa caro ka muujisay xariga Fanaaniintaasi, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daayo, iyagoona taasi qiil kaga dhigay inaanu hobolku wax xuduud ihi lahayn.

[cplw category=”690″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”7″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]