Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay xariga fanaaniinta xidigaha

0
1535

golahaGolaha Abwaanadda Soomaaliyeed waxaa ay ku tilmaameen wax laga xumaado Fanaaniin Soomaaliyeed kuwaas oo Bandhig Faneed ku qabtay Magaaladda Muqdisho lagu xiray Magaaladda Hargeysa ee Xanurnta Maamulka Soomaaliland

Golaha Abwaanadu waxaa ay sheegeen in aanan laxirirn Ganacsatadda iyo Dadka kale ee yimaada Muqdisho kadibna ku laabta Hargeysa, Balse arrinta ay u egtahay mid laga leeyahay dano gaar ah.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu tilmaamay in arrintan aad u canbaareynayaan ayna cod sanayaa in lasiidaayo Fanaaniinta laxiray ee ka tirsan Xidiagaha Geeska kuwaas oo ka dhisan Hargeysa.

Abwaan Xirsi Dhuux ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Fanaan kastaa ee Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay in tago ama Bandhig faneed ku qabto meelkasta oo Dadka Soomaaliyeed ku dagan yihiin ama ku nool yihiin.

Horey ayaa sidaan oo kale Ciiddii Soonfur waxaa Muqdisho u yimid Fanaanka Nimcaan Hilaac oo kamida Xidigaha Geeska ee Hargeysa ka dhisan waxaana uu Bandhig Faneed ku qabtay Muqdisho waxaana laxiray markii uu dib u laabtay inkastoo lasiidayey.

Hadda waxa xiran Afar Fanaan oo Habeenkii Koowaad ee Ciidul Adxa Bandhig faneed ku qabtay Magaaladda Muqdisho wali lagama siideen Xamsiga waxaana loo xiray ka heesitaanka Muqdisho

Xafiiska Markacadeey

Muqdisho, Soomaaliya

Email: xafiiskamuqdisho@hotmail.com

 AMA markacadeeymedia@gmail.com