Iska Hor imaad ka dhacay Xawaadley, Sh/Dhexe

0
1125

Wararka Laga Helayo Tuulada Xawaadley Kana Mid ah Tuuloyinka Hoostaga Degmada Balcad Ee Gobolka shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Iska Hor imaad uu Duhurnimadii Maanta ku dhexmaray Halkaasi Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Maleshiyaad la sheegay in ay ka Soo Horjeedan Qaadista Lacagaha Canshuuradka ah ee laga Qaadayay Deegaanka Xawadley.

Jeylaani Faroole OO Ah Talyaha Hor kacaya Ciidanka ku sugan Deegaanka Xawaadley kana tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa Sheegay in shaqaaqada Hal Qof ku dhaawacmay kaasi oo ka mid ah Dadka Deegaanka Xawaadley.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in ay doonayaan in Deegaankaasi ka dhaqan geliyaan qaadista lacagaha Canshuradka isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu sheegay in Bulshada Deegaanka ay isku raacsan yihiin Qaadista Lacagaha Canshuurta.