Jose Mourinho Oo Aan La Eryi Doonin, Stones Oo Laga Yaabo Inuu Baxo, Berahino Oo Aan Waligiis Ku Biiri Doonin Spurs Iyo Wargeysyada Iyo Waxyaabihii Ay Qoreen Maanta Oo Sabti Ah

0
1056

baa

Wayne Rooney ayaa laga waayay gaarigii kooxda Manchester United keenay Hotel Lowry ka hor kulanka adag ee Liverpool waxana laga yaabaa inuu seego kulankaan adag, jaamhiir badan ayaa soo hor istaagay Manchester hotelka ku yaala ee Lowry Hotel iyagoo ka walwal qaba in kabtankooda uu seego kulankaam.
Jose Mourinho ayaa ku qoslay wararka soo jeedinaya in laga eryi doono shaqada kooxda Chelsea kadib markii Roman Abramovich uu soo booqday xarunta tababarka kooxda Cobham shalay subixii.
Steve McManaman ayaa qaba in Manchester United iyo Liverpool ay lumiyeen aqoonisgoodii, kadib markii labada koox ee ka dhisan waqooyi galbeed ee ingiriiska aysan la soo shirtagi doonin wax ciyaartooy u kala dhashay goboladooda markii ugu horeysa ee taariikhda mudo 48 sano ah.
Roberto Martinez ayaana meesha ka saarin in John Stones uu mar uun ku biiri doono mid kamid ah kooxaha waa weyn.
Xidiga ku hungoobay Southampton Gaston Ramirez,oo aanan kubada ciyaaarin ee August 2014 ayaa kala xaajoonaya kooxda iney burburiyaan qandaraaskiisa haatan ee uu bishii ku qaato £65,000 kun oo Ginni.
Emmanuel Adebayor ayaa raadinaya inuu la ciyaaro kooxda da’yarta Spurs kadib markii loo sheegay inuusan markale u ciyaari doonin kooxda waa weyn.
Arsene Wenger ayaa ka digay iney lunto xarumaha horumarinta da’yarta, wuxuuna u sheegay in ingiriiska ay ciyaartooy la’aan ku dhici doonto.
daily mail
Steven Gerrard ayaa isk diiday dalabyo uu ka helay Besiktas, Monaco, PSG, Real Sociedad iyo Tottenham ka hro inta uusan ku biirin Galaxy.

Crystal Palace iyo Manchester City ayaa kulmaya galbta si ay u cadeeyaan tayada ay labada koox leeyihiin, sidaasi waxaa qaba Alan Pardew.
Dick Advocaat ayaa rajeynayaa in Sunderland ay xili ciyaareed kale ka dagaalami doonto iney ka badbaado heerka labaad.
the sun
Tony Pulis ayaa u sheegay Saido Berahino: waligaa uma ciyaari doontid Tottenham.
Luke Shaw ayaa qaba in Anthony Martial uu buuxin karo baahida orod ee looga baahan yahay Manchester United kadib lacago qaali ah uu uga yimid Monaco.
Jose Mourinho ayaa sheegay inuu xalin doono dhibatada Chelsea wuxuu sheegay in shaqadiisana ay tahay amaan.
daily star
Manuel Pellegrini ayaa qaba in Kevin De Bruyne uu cadeyn doono sababtii looga soo bixiyay £56m price tag.
the guardian
Macalinka Arsenal Arsène Wengerayaa sheegay in yurub aysan soo aarin weeraryahano tayo leh isagoo sheegay in weeraryahanada fiican ay ka yimaadaan koonfur America.
Mauricio Pochettino ayaa diyaar u ah inuu u gacan galiyo Son Heung-min kulankiisa ugu horeeya Tottenham wuxuuna sheegay in Emmanuel Adebayor uusan kulan danbe u ciyaari doonin kooxdiisa.
daily telegraph
Manuel Pellegrini ayaa u sheegay Fabian Delph inuu muujiyo awood maskaxeed si uu taam ugu noqdo Manchester City isagoo haatan lix kulan garoomada ka maqnaan doono.
Macalinka Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay in laga yaabo inuu badalo qaab ciyaareedka kooxdiisa
daily express
Swansea ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta kaliya hadii ay garaacdo Watford maanta, sida uu qabo Garry Monk.
Andy Carrol ayaa laga ayaabaa inuu ka horyimaado Newcastle kadib markii uu qanciyay macalinka West Ham Slaven Bilic.