Jose Mourinho Oo U Furan Inuu Mustaqbalka Tababare U Noqdo Arsenal.

0
1206

Wenger-vs-Jose-Mourinho

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa si maldahan u sheegay inuu u furan yahay inuu mustaqbalka tababare ka noqdo kooxda Arsenal.
Macalinka reer Portugal ayaa qilaaf xoogan uu kala dhaxeeyaa tababare Arsene Wenger iyadoo labada nin ay diideen inay isa salaamaan kulankii Community Shield ee Wembley ee bishii hore.

Mourinho ayaase sheegay inuusan ka tagi doonin caasimada England marka uu Chelsea ka tago.
“Maalin uun waan ka tagi doonaa Chelsea, marka aan ka tagana waxaan doonayaa inaan ku sii noolaado London” ayuu yiri Mourinho sida ay qortay Daily Mail.
“Fursado badan ayaa tababare uga furan magaalada London – Fulham, QPR, West Ham, Spurs, xulka England iyo Arsenal.”
Mourinho ayaa ah macalinka Chelsea tan iyo markii uu ku soo laabtay 2013kii.