Kaka oo amaanay Balotelli, wuxuu awoodaa inuu Milan awoodiisa kor ugu qaado

0
1257

 kakak
Xiddigii hore ee kooxaha AC Milan iyo Real Madrid Kaka ayaa sheegay in xidiga kooxda AC Milan Balotelli uu dib u soo noqo doono islamarkaana uu heli doono awoodiisi lagu yaqaanay.

Kaka ayaa hadalkaan ku dhiira galinaayay xidiga mugdiga sii galaayo ee heer Talyaani ee Mario Balotelli, wuxuuna si toos ah ula hadlay Balotelli isagoo u sheegay inuu dib u heli doono awoodiisa islamarkana awoodisa uu ku saacidi doono AC Milan.
Balotelli ayaa kooxda Liverpool ku fashilmay mudo hal xili ciyaareed ah isagoo la qabsan waayay horyaalka Premier League, wuxuuna dib ugu soo noqdey kooxdisi hore ee Ac Milan isagoo ugu yimid qaab amaah ah.
Kaka ayaa sheegey in Balotelli uu yahay mid kamid xiddigaha kubadda cagta ku wanaagsan waxaana uu sheegey in uu isagtu rumeysanyhaay in uu guulo wanaagsan la gaari doono kooxdiisa Milan.
” Balotelli waa xiddig xirfad fiican leh balse uu waqtigi si ugu xumaa mudooyinkan danbe waxaanse rumeysanyahay in Milan uu guulo wanaagsan la gaari dono”

Mario Balotelli ayaa kooxda Liverpool ku qaata xili ciyaareed aad u xu isagoo afar gool oo kaliya dhaliyay kulamada oo idil taasoo keentay in xidigaan uu hoos u dhac weyn ku dhaco.