KOOFURTA SUUDAAN OO 24 SAAC U QABATAY QAXOOTI SOOMAALIYEED OO DEGGAN JUBBA

0
767

muxaa

Dowladda Koofurta Sudan ayaa muddo 24 saac ah u qabatay Qaxooti Soomaali, Itoobiyaan iyo Eriteriyaan isugu jira oo deggan xarun Magaladda Jubba ay ku leedahay Qaramada midoobey.
Dowladda Koofurta Suudaan waxaa ay ku doodeysaa in arrin amni darted loo rarayo dadkaasi kadib markii ay ku guul dareysteen muddo horay loo siiyay oo ay ahayd in ay isku diiwaan geliyaan sida ay sheegeyso Dowladda Koofurta Suudaan.

473 Ruux oo Ajanabi ah ayaa deggan xeradaasi, waxaana ay Dowladdu sheegtay in dadkaasi ay ka dib dhaceen muddo hore oo loo qabtay oo ay ahayd in ay isku diiwaan geliyaan si ay dib u dejin u helaan.

241 qof ayaa aqbalay is diiwaan gelinta,waxaana ay ogolaadeen dib u dejin, muddadii hore ayaa ku ekeyd 27kii Bishii hore, waxaana loo ogolaaday in la dejiyo degaanka Yambio oo ka tirsan Caasimadda Jubba