LACAG AY TOBAN SANO KEYDINEYSAY AYAY KU XAJINEYSAA SANADKAN

0
1550

Kafiyah-Uganda

Kasifah Nankumba waxaa ay Kalluunka duban ku iibisaa Suuqa Kalerwe ee u dhow Magaalada Kampala oo ah Xarunta Dalka Uganda.

Waxaa ay u sheegtay Wakaaladda wararka ee Dalka Turkiga ee lagu magacaabo Anadolu Agency in ay sugi la’dahay mar uun in ay tagto Magaalada Barakeysan ee Makkah, si ay ugu cibaadeysto Masaajidka Nabiga iyo in ay mar uun Indhaha ka qaaddo Xajarul Aswadka “dhagaxa madow” ee Qabriga Nabiga Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa Allaha yeelee.

Kasifah waa 58 Sano jir, 10 Sano ayey ku qaadatay in ay keydiso lacagta ay ku xajineyso Sanadkan 1436,waxaana ay lacagtan ku keydsatay Nin ka shaqeeya Sharikadaha Duullimaadka oo ay mar u sheegtay in ay rabto Xajka 10 Sano ka hor.

2006dii iyada oo fadhida hareerta Waddada oo ah halka ay ku iibineysay Kalluunka duban,ayey maqashay cod baraajin ah oo dadka Muslimiinta ah ee Uganda faraya in la gaaray Xajka lana is diiwaan geliyo.

Kuma jirin magaceyga ayey tiri dadka magacyadooda la sheegayay, markaas ayaana go’aansaday in aan Xajka aado.

Waxaa ay raadisay Nin loogu sheegay in uu Caawiyo dadka Xajka aadaya kaas oo magaciisa loogu sheegay Xaaji Muuse, Xaajigaas ayaa baray Sharikad lagu magacaabo Mityana Xaj iyo Cumro oo Xujeyda u qaadda Sucuudiga.

Waxaa uu Ninkii Sharikadda joogay u sheegay in ay lacag u dhiibati si uu ugu keydiyo marba haddii aysan hadda awoodin lacag ay ku xajiso.

2007dii ilaa 2009kii ururisay $4 ilaa $5 Doollar sida ay u kala horreeyaan.

2009kii ayey maqashay haddana Nin maalgeliya Xujeyda,waa ay raadisay 2 maalin kadib ayey heshay gurigiisa, waxaa ay u sharraxday ujeedadeeda laakiin ma uusan caawin

Waxaa ay tusisay Boorso ay ku jirtay Lacag doolar ah oo ay ururineysay 3dii Sano ee la soo dhafay ayna dooneyso in ay ku xajiso.

Waxaa uu arkay Salaad ayuu galay wuuna ii duceeyay ayey,waxaana u kula taliyay in $100 ilaa $200 oo Doollar bishiiba dhigato.

Waxaa ay billowday in 4 ama 5tii Bilba ay lacagtaasi meel dhigto,weyna sameysay,15 June 2015,ayaa laga soo wacay Xafiiska Xujeyda ee Uganda, qofka soo wacay ayaa ugu yeerayay Xaajiyo Kasifah Lacagtii aad keydsaneysay hadda ayey kugu filantahay oo waad ku xajin kartaa.

Markaas la I wacayay dhulka ayaan fadhiyay Kalluunkii dubnaa oo muddo 28 Sano ah aan ka ganacsanayay ayaan sidii u iibinayay, afar jeer ayaa la I wacay nasiib darro ma maqlin afartiiba, laakiin ugu dambeyn ayaan tagay Masaajidka lagu magacaabo Wandegeya oo Codbaahiya Masaajidka looga dhawaaqayay dadka baxaya magaceyga ayaan maqlay, waana ka qeyb galay Xajka.

Marka aan ku laabto Gurigeyga, waxaan sii wadi doonbaa Cibaadada Alle,waxaana sii wadi doonaa Shaqadeyda ka ganacsiga Kalluunka duban.

Sanadkan dalka Uganda waxaa ka xajiyay 750 Xujey, tani waxaa ay muujineysaa hoos u dhac weyn oo ku yimid Xujeyda Sanad wali ka bixi jiray Uganda ee aadi jiray Makkah si ay u soo xajiyaan.

Sida uu sheegayo Sheekh Cali Juma Shiwuyo oo ah u qeybsamaha Golaha Muslimiinta Uganda ee qeybta Xajka iyo Cumrada intii lagu jiray 1960kii ilaa 20170kii kumanaan Ugandeys ah ayaa ka bixi jiray Dalka si ay u soo gutaan Waajibka Xajka.

Markii uu talada hayay madaxweyne Idi Amin Dada, waxaa uu aad u taageeri jiray xujeyda,waxaana uu si gaar ah isaga Xajka ugu diri jiray 6,000 ilaa 10,000 oo Xujey reer Uganda ah.

Sucuudiga ayaa horay ugu qoondeeyay 1,200 oo Xujey sanad waliba taas oo hoos u dhacweyn ku ah tiradii horay u xajin jirtay.

Sanadkan waxaa Dalka Uganda ka baxay 750 Xubnood oo ay 415 ka mid ah ay Haween yihiin kuwaas oo Xajinaya Sanadkan.

2014kii Uganda waxaa ka baxay 957 Xujey oo kaliya, waxaana kordhay lacagta lagu xajinayay oo gaartay $2,178 Doollar, Sanadkan ayey ka sii dartay oo waxaa ay mareysaa $4,150 Doollar,sababta ugu weyna waxaa ay tahay Dowladda Uganda oo aan lahayn Diyaaradaha Xamuulka qaada.

Hadda waxaan ku qasbannahay in aan la xaajoonno Sharikada Diyaaradaha ee Ajannabiga ah kuwaas oo Lacag badan naga qaadaya.

Xigasho: dailysabah.