Liverpool oo xidiga da’da yar ee heer Nigeria Taiwo Awoniyi si rasmi ah ula soo wareegtay

0
1289

taiwo-loan

Kooxda Liverpool ayaa soo bandhitay xidiga da’da yar oo la soo wareegtay Taiwo Awoniyi ,iyadoo xidigaan ka kor qaaday kooxaha Porto iyo Monaco.

Taiwo Awoniyi ayaa ka soo baxay xerada tababarka ee Imperial Academy ee dalka Nigeria waana 18 jir tayo fiican isagoo lagu tilmaamay inuu u qaab egyahay Benteke.
Liverpool ayaa xili ciyaaredkaan suuqa kala iibsiga ka soo qaadatay ciyaartoydi ugu badneyd xili ciyaaredkaan waxayna ku jirtaa diyaar garow fiican oo tayo leh
Laacibkan da’da yar ee heer Nigeria ayaa ah xidigii ugu danbeyay ee Reds suuqa ka soo qaadatay waxaana xidigaan lagu dhiibi doonaa amaah.