Ma mooddaa in ay ciidamada Amisom ku dhaceen dabinkii ay u dhigtay Xarakada Al-shabab ?=Faallo=

0
889

Ciidamada Amisom ee ku sugan dalkeena Soomaaliya, ayaa bilaabay in ay ka baxaan goobo badan oo ay horay uga qabsadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabab, ka dib markii ay ciidamadaasi ku dhaceen dhowr dharbaaxdi oo kulkulul. Taas oo ay ugu danbeysay tii ka dhacay magaalada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 askari oo Ugandhiis ah.
Sidan tilmaanayba ciidamadan, ayaa ka soo baxayo deegaano muhiim oo ay dhib badan ka mareen qabsashadooda, Kuwaasi oo ku kala yaallo gobolada Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay, Shabeelada Hoose iyo waliba gobolka Gedo. Kabixitaanadan deg deg ah, ayaa yimid ka dib markii ay ciidamadaasi la kulmeen weeraro ay dhiig badani ku daateen sida kuwii ka kala dhacay deegaanada Jameecada, Leego iyo waliba degaanka Janaale.
Arimahan oo dhan ayaa dhacayo xilli dhowr sano ka hor ay sheegtay Xarakada Al-shabab, in ay badashay qaab dagaalankeedii tooska ahaa, Islamarkaana ay ku badashay dagaalka loo yaqaano ku dhufo oo ka dhaqaaq, Si ay markaasi isu balaariyaan ciidamada, Islamarkaana ay u baahdo awooddooda. Taas oo markaasi siineysa waa sida ay Xarakadu is leedahaye in ay ka adkaan doonto maadaama ay awooddoodu baahday sida hadaba dhacday. Hadaba ciidamada Amisom ma ku dhaceen dabinkii loo dhigay ?
Jawaabtu waxaan leenahay haa wey ku dhaceen marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan. Tusaale ahaan, Waxaa ciidamada ku dhacay waa Amisome dhowr dharbaaxdi oo kulkulul, Kuwaasi oo ay qasaaro badani ka soo gaartay sida tii ka dhacday deegaanka Leego oo kale.Taas oo galaafatay nolosha ku dhawaad 70 askari oo Burundiis ah, Hadana waxaa u xigtay tii Janaale.Taas oo Iyadana dhinaceeda ka galaafatay nolosha ku dhawad 100 askari oo Ugandhiis ah sida ay ilo reer Galbeed ahba cadeeyeen.
Labadan weerar ee qasaaraha badnaa, Waxaa isagana ka horeeyey weerar kale oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jameecada oo dhaca duleedka magaalada Buurhakaba, halkaasi oo lagu helay kolonyo Itoobiyaan ah oo sidatay sahay military. Taas oo uu soo gaaray qasaaro baaxad leh, oo lagu sheegay ku dhawaad todobaatameeyo askari iyo burburinta dhowr iyo toban gaari oo ay ku jireen kuwa ciidan sida aan Warbaahintaba ku aragnay.
Markii ay dhaceen weeraradan baaxadda leh ka dib, Waxaa bilowday insixaabaad deg deg ah oo sameynayaan ciidamada Amisom oo runtii dareemay in ay ku dhaceen dabinno halis oo ay u dhigtay Xarakadan Islaamiga ah. Waxa ayna ka soo baxeen deegaano muhiim ah oo ay dhib badan ka mareen qabsashadooda sida Awdheegle, Kunturwaarey, Buq-Abaqle, Tuulo-Barwaaqo, Ceel-Garas, Ceel-Silindi iyo waliba kuwa kale oo badan.
Deegaanadan ay ka soo baxeen Ciidamada, ayaa runtii ahaa kuwa muhiim ah oo isku xira magaalooyin ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin. Waxaana ka mid ah deegaanadaasi deegaanka lagu magacaabo Tuulo-Barwaaqo oo isku xira magaalooyinka B/Xaawo iyo Garbahaarey. Waxaa ay sidoo kale Ciidamadu soo baneeyeen deegaano iyo magaalooyin uusan ka dhicin wax dagaal ah, Taas oo calaamad u ah rucbiga iyo argagaxa ku dhacay ciidamadan Shisheeye.
Waxyaabaha kale ee ku tusinaya in ay ciidamada Amisom ku dhaceen dabinkii loo dhigay waxaa ka mid ah in ay awoodi waayeen in ay isu gurmadaan, gaar ahaan marka ay la kulmaan weeraro. Tusaale ahaan weerarkii Leego oo kale, Waxaa uu banaanka u soo saaray sida aysan ciidamadu isugu xirneyn, Islmarkaana aysan isaga naxaynin. Tusaale ahaan, maxaa u diiday ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Buurhakaba in ay u soo gurmadaan Burundiiskii lagu helay Leego ?
Baahitaanada ku dhacay awoodda Ciidamadan, ayaa keenay in ay iska cabin waayaan weerarada qorsheysan ee Xarakada, Taasna waxaa daliil u ah waxyaabihii ka dhacay magaalooyinka Leego iyo Janaale. Waxa ay sidoo kale baahintaanadani sababeen in la iska daawado Xarakada oo guraneysa wax alaal iyo wixii yaalay xarooyinkii ay ka qabsatay Ciidamada sida tii Leego oo kale, halkaasi oo haystay ku dhawaad dhowr casho, Iyadoo meel aan sidaasi uga fogeyna ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan aad u hubeysnaa.Sidee ciidamo loo dejin karaa xerooyin Iyaga oo aanan loo haynin wax gurmad ah, mise wuxu waaba afrikaanoo danbaaba laga lahayn. Marka aad u fiirsato xaalka ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom, Waxa runtii kuu soo baxaysa waxa ay Soomaalidu tiraahdo labo daran mid dooro. Tusaale ahaan, hadii ay isbalaariyaan waxaa yaraaneysa awooddooda. Hadii ay is uruuriyaanna, Waxaa ku dheeraanayo dagaalka, halka Al-shababna ay labadaba faa’iido u tahay.
Ciidamada Amisom ayaad moodda in ay wajahayaan marxalado adag oo mid kastaaba ay qatarteeda leedahay. Tusaale ahaan, waxaa sii yaraanayo doorkii ay dagaaladani ku lahaayeen ciidamada Soomaalida ah, ka dib markii la dayacay ciidamadaasi, Taas oo keentay in ay isaga soo baxaan goobo badan oo la isku horfadhiyey. Waxaan shaki iiga jirin in haddii la waayo ciidamo Soomaali ah oo ka garab dagaalama Amisom, in ay adkaan doonto in dalka ay sii joogaan iskaba daaye in ay guul soo hoyaane.
Midda kale, weeraradii ugu danbeeyey ee Al-shabab ku qaaday ciidamada Amisom, Waxa ay fariimo cabsi leh u direen dowladihii soo diray ciidamadaasi. Waxa ayna sidoo kale weeraradaasi fariimo kuwaas la mid ah u dirayaan dadka taageera Dowladda Federaalka oo aan Aniguba ka mid ahay, Kuwaas oo loo sheegay in la daciifiyey awooddi Al-shabab, balse aad hadda mooddo in ay indhahooda ku arkayaan xaqiiqda jirta.Haddii ay sii socdaan weerarada noocaan oo kale, Waxaan hubaa in uu xaalku isbadali doono sida horayba u dhacday. Tusaale ahaan, ciidamadii Maraykanka waxa ay Soomaaliya ka baxeen markii uu qasaarahoodii batay . Waxaa sidaasi oo kale Iyagana dalka uga baxay ciidamadii Itoobiya, ka dib markii uu xaalku ku xumaaday, oo ay waayeen meel sahay u soo marto sida hadaba taagan. Midda kalese, horta Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari ? aaway dadkii xaqliga lahaa ?
Markaan hadalka soo uruuriyo, ciidamada Amisom ma’ahan kuwa ku socda waddo sax ah, Islamarkaana leh istaraatijid dagaal oo looga adkaan karo Xarakadan Islaamiga ah ee ka dhex dagaalameysa dadkeeda iyo dalkeeda. Waxa uuna dagaalkan u muuqdaa mid sii rafaadin doono Shacabkii awalba la rafaadsanaa dagaaladii sokeeye. Ma adinla tahay Adinkan idin weydiiye in askar Burundiis, Ugaandhiis, Kenyaati iyo Itoobiyaan ay guul ka soo hoyin karaan dal sida Soomaaliya oo kale ah ? Abadan.
Ugu danbeyn, hadaan mar kale is weydiino ciidamada Amisom miyey ku dhaceen dabankii ay u dhigtay Xarakada Al-shabab ? Jawaabtu waxaan leenahay haa wey ku dhaceen waa markaan wax ku qiimeyno sida ay hadda wax u socdaan.Tusaale ahaan, waxaan arkaynaa ciidamadii weerarka ahaa oo haatan ku uruurayo difaac, Islamarkaana ka baxayo deegaanadii ay horay u qabsadeen. Waxa aan sidoo kale arkaynaa dowrkii ciidamada Soomaalida oo sii yaraanayo, Taas oo iyadana calaamad u ah fashilka ku soo wajahan ciidamadan Shisheeye.
W/Q: Cabdulaahi Ibraahim Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com