MA OGTAHAY IN SHAHRUKH KHAN UU YAHAY JILAAGA LABAAD EE DUNIDA UGU……

0
2713

shahrukhkhan1

Qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka, gaar ahaan kuwa ka faalooda arrimaha fanka iyo aflaamta ayaa baahiyay warbixino la xiriira Jilaa Caan ah oo u dhashay dalka Hindiya.

Jilaaga Bollywood ee Shahrukh Khan ayaa noqday jilaaga labaad ee u taajirsan dunida oo dhan xataa Hollywood jilayaashooda marka la eego isagoo ka dhaqaale badiyay Tom Cruise, Ton Hanks, Clint Eastwood iyo waliba Adam Sandler.

Dhaqaalaha uu haysto Shahrukhan ayaa lagu sheegay inuu gaarayo ilaa 600 oo Milyan oo doollarka Mareykanka ah isagoo noqday jilaaga ku xiga majaajaliiste Mareykanka u dhashay oo lagu magacaabo Jerry Seinfeld oo haysta adduun gaaraya 820 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Jariirradda arrimaha dhaqaalaha iyo dadka caanka ah falanqeysa ee Forbes ayaa Shahrukhan ku dartay jilayaasha iyo dadka ugu saameynta badan dunida waxaana ay bogga hore saareen Srk oo ay ku tilmaamtay jilaa ka qanisan jilayal badan oo dunida Hollywood aad looga yaqaano.

Shahrukhan ayaa lacagtaan aadka u fara badan ay ka dhigtay inuu yahay milyaneer iyo waliba jilaaga labaad ee dhamaan dunida u hanti badan waxaana uu lacagahaan ka sameeyay jilitaanka , taleefishinada, iyo waliba koox kirikitka ah oo uu leeyahay waxuuna Shahrukh dhigay ilaa 50 filin oo Bollywood ah iyadoo filimadiisa ay sanad waliba ka muuqdaan mahrajaanka Cannes ee caalamiga ah.

khan

Tom Cruise oo Hollywoodka jilayaasha u qanisan ka mid ah ayaa haysta kaliya 480 Milyan oo Dollar halka ay sidoo kale Johnny Depp iyo tyler Perry ay haystaan ilaa 450 Milyan Kaliya mana u soo dhawa ctaa King Khan oo ka sara maray jilayaashaan 200 Milyan oo dollar.

La soco Wixii wararkani ku soo kordha…

 

Xafiiska Markacadeey

Muqdisho, Soomaaliya

Email: xafiiskamuqdisho@hotmail.com

 AMA markacadeeymedia@gmail.com