Madaxda garsoorka Shabelaha dhexe oo fasax mudo ah gelaysa

0
1273

racfaanka

Iyadoo maalmo qura ay naga xigaan maalinta Ciida Carafo inta badana hay adaha dowlada iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay aya fasax galaan ayaa waxaa masuuliyiinta Maxkamada Racfaanka gobolka Shabelaha dhexe waxay kudhawaaqeen in inta lagu guda jiro maalmaha ciida ay dhamaan fasax galayanshaqaalaha kala duwan ee Maxkamada Racfaanka gobolka Shabelaah dhexe sidaas waxaa Radio Danan usharaxay gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka shabelaha dhexe Sheekh Axmed Xaaji Sayid.
Dhanka kale Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim ayaa waxa uu kahadlay waxqabadka inta ay jirtay maxkamada Racfaanka gobolka Shabelaha dhexe waxa uu shegay in axyaabo abdan ay qabteen islamarkaana ay kusoo bandhigen xuska sanadka 1.aad e dhawan ay kuqabteen maaglada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha dhexe.
Sikastaba Maxkamada Racfaanka gobolka shabelaha dhexe ayaa waxa horyaala shaqooyin farabadan oo ay ugu weyn yihiin isqab qabsiga dhinaca dhulalka iyo beeraha oo ah dhibaatooyinka ugu badan ee ka taagan gobolka shabelaha dhexe.