MADAXWEYNAHA SHIINAHA OO SAMEYSTAY FACEBOOK XILI DALKIISA LAGA MAMNUUCAY

0
1046

CHINA2Madaxweynaha Dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sameystay cinwaan Facebook ah isagoo ku sugan Magaalada New York oo uu kaga qeybgalayo shirka guud ee qaramada Midoobe.

Talaabada Madaxweynaha shiinaha uu ku sameystay Facebook ayaa ku soo aadeysa xili shacabka dalkiisa hore looga mamnuucay inta badan aaladaha social media sida Faecebook, Twitter iyo Google.

Bogga Madaxweynaha waxaa lagu soo bandhigay durba sawiro ay iskula jiraan isaga iyo milkiilaha aalada Faceboob
Sidoo kale waxaa la soo saaray sawiro muujinaya isagoo shirar uga qeybgalaya Magaalada New CHINAYork,sawirada iyo warbixinada ku jira cinwaanka cusub ee madaxweynaha shiinaha waxaan arki doonin umada shiinaha oo laga mamnuucay aaladaasi.

Dhanka kale lama yaqaan sida uu dadkiisa ku qancin doono marka uu dalkiisa ku laabto madaama hore dowladiisu dadka shiinaha ugu diiday facebook.