Malaayiin Xujeey ah oo maanta taagan Buurta Carafo

0
1014

bankaCarafa_1Malaayiin Xujeey ah ayaa manta oo ah Sagaalaadka waxey taaganyihiin Buurta Carafo kuwaasoo ka kala tagay caalamka daafihiisa si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee Acmaasha xajka.

Muslimiinta kale ee caalaamka ayaa iyagu badankood manta Sooman si ay uhelaan ajar iyo dambi dhaaf.

Xujeeyda sanadkan oo ka badan Saddex Milyan ayaa saaka aroortii u dareeray Buurta Carafo, si ay u gutaan mid ka mid ah rugniga ugu muhiimsan ee xajka,

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho..

Maalinta berri oo ah Maalinta Ciidul Adxa ayaa ah ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, islamarkaana uu siiyo dadka danyarta ah..

Soomaali fara badan oo ka kala tagay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sanadkan ka qeybgalay gudashada waajibaadka Xajka.