Mareykanka oo arrimo fuliye cusub u soo magacaabay dalka Somaliya

0
1236

fuliye

Xukuumadda Washington, ayaa David H. Kaeuper u magacawday arrimo fuliyaha cusub Mareykanka ee dalka Somaliya.

Dowladda Mareykanka, ayaa 8-dii bishan shaaca ka qaaday in ay magacaabi doonto Sarkaal u qaabilsanaan doono dardargelinta arrimaha diblomaasiyadeed Mareykanka ee dalka Somaliya.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah Dowladaha Reer Galbeedka ee taageerada joogtada ah siiya Dowladda Federalka Somaliya, ayaa marar kala duwan sheegtay inay soo noollayn doonto xiriirkii diblomaasiyadeed la lahayd Somaliya.

Magacaabidda Sarkaalkan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu maalintii afaraad booqasho ku jooggo Magaalada New York Ee Xarunta Qaramada Midoobe.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa 17-kii bishan waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub Somaliya u fadhin doono Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad

Mareykanka, ayaa bishii May dib ula noqday Safiirkiisii Somaliya, uu u soo magacaabay 25-kii bishii Febraayo, haweeneyda lagu magacaabo Katherine Simonds Dhanani.