Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey eedeysanayaal kala duwan

0
2089

ed_1

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan waxa ay ku riday afar eedeysane oo maxkamada la hor keenay laguna soo eedeeyay in ay galeen dambiyo kala duwan. Eedeysanayaasha Maanta Maxkamada la horgeeyay ayaa gaarayay afar nin oo dhalinayro ah, waxaana lagu riday xukuno kala duwan oo xabsi ah halka mid kamid ah dadkaasi laga sii daayay xabsiga kadib markii dambi lagu waayay.

Maxkamada ayaa 10-sano oo xabsi ah ku riday Cabaas Xasan Maxamed , halka Mustaf Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Jicmaale Muuse ay iyana ku riday 6-bilood oo xabsi dhaqan celin ah halka Maxkamada ay sii deysay Shaafici Xasan Maxamed oo wax dambi ah lagu waayay, waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Maxkamada ciidamada qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa marar kala duwan xukuno waxa ay ku riday dad eedeysanayaal ah oo isugu jira askar katirsan Ciidanka Dowlada iyo xubno lagu helay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab .

Xafiiska Markacadeey, Muqdisho