Nin 75 Sano Cunto Cunin, Iyo Dhakhatiir Ansaxisay

0
1187

hospital

Prahlad Jani waa 83-jir wuxuna sheegay inuu duurka galay markuu jiray 7 sano asagoo raacay wadaada diinta indu-ga. Hadaba su’aashu waxey tahay sidee buu biyo iyo cunto la’aan ugu noolaaday mudadas dheer?

Waxa daba dhigtay dhakhaatir reer India ah ayagoo isbitaal seexiyay laba isbuuc kuwaasoo baaray, waxey soo bandhigeen ayaa aad uga fajiciyay dadka.

Dhakhaatirtan oo ka koobna 30 dhakhtar oo xirfado kala duwan iska leh ayaa baaritaan ku bilaabay ayagoo isla markasna qolka ugu xiray kamarado 24-tan saac laga daawanayay intuu ku sugnaa isbitaalka. Intuu meeshas ku jiray wax cunta ah ma cunin mana u dhawaan biyow. Waxa kasii daran inuusan musqusha isticmaalin.

Dhakhaatirta ayaa arintan aad uga fajacay oona ku tilmaamay mucjiso. Mid ka mida dhakhaatirta, Dr. Sudhir Shah ayaa ku tilmaamay in jirka Prahlad uu la qabsaday noloshisa cajiibka ah, isbadal weyna ku sameyay asagoon u baahneyn wax cunto ah.

Ninkan ayaa jimicsiga Yoga-da sameeya maalin kasta asagoo ku nool buuraha iyo duurdurka wadankas.

Waa kanaa warbixin ku saabsan cilmi baaristi lagu sameeyay