NIN SAFAR AH

0
539

Buugga-Sheekooyin-SoomaaliyeedBeri baa nin safar ahi reer u soo hoyday, wuxuu ninku u sheegay reerka uu martida u ahaa in uu u socdo meel aad u fog. Wuxuu reerkii u keenay ninkii safarka ahaa gogol uu ku seexdo. Sidii caadada ahayd marti soor ayaa loo diyaariyey, oo markii ay xoolihii soo xeroodeen ayuu reerkii u qaleen neef shilis, inta ay sifiican u kariyeen ayaa loo keenay hilibkii oo dhan, iyo caano badan. Ninkii cuntadii loo keenay oo dhan wuu dhameeyey oo waxba kama uu reebin.
Ninkii guriga lahaa wuxuu weydiiyey ninkii safarka ahaa ujeedada safarkiisa. Markaas ayuu yidhi, “Waxaan tegayaa dhakhtar oo caloosha ayaa la’iga hayaa, cuntaduna way iga xidhan tahay.” Ninkii guriga lahaa intuu yaabey ayuu yidhi, “ma adiga ayaa cuntadu kaa xidhan tahay?” Markaa suu yidhi, “Haa.” Markaa wuxuu yidhi, “Waxaan kaa codsanayaa in aanad isoo marin marka dhakhtarku cuntada kuu soo furo.” Ninkii aad ayuu ula yaabay ninka neef cunay hadhow marka la soo daweeyo waxa uu cuni doono. Ninkii martida loo ahaa wuxuu yidhi, “Malaha toban neef ayuu cuni doonaa marka uu soo noqdo.”

Dulucda sheekada:
Ha isku dayin in aad kalidii noole noqoto oo aad wax walba adigu qaadato, isku day sidii aad dadka kale wax uqa siin lahayd.

 Sheekadooyinkani waxay ka mid ahaayeen Buugga Aan Sheekeysano oo uu qorey Qoraaga Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

Waxaa diyaariyay:
Mohamed Ali Madka