Pele Oo Difaacay Diego Costa, Muxuu ku tilmaamey Luis Suarez?

0
772

FIFA Ballon d'Or Gala 2011

Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa difaacay xidiga dhalaso ahaanta ka soo jeeda Brazil ee Diego Costa oo ay FA-ga Ingiriisku saddex kulan ku ganaaxday kadib markii lagu helay inuu dhaqan xumo sameeyay kulankii Chelsea iyo Arsenal Stamford Bridge ku dhex maray.
Pele ayaa sheegay in Costa uu ka fiican yahay xidiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez oo uu ku tilmaay kan ugu xun. Pele ayaa sheegay in qofka dadka qaniinaa uu yahay kan ugu xun halka uu Costa uga cudur daaray isla markaana uu sheegay in dhacdada lagu ganaaxay ay ahayd waqti kaliya.Costa ayay isku dhaceen difaacyada Arsenal ee Laurent Koscielny iyo Gabriel Paulista.

Pele ayaa yidhi: “Noloshayda oo dhan ayaan soo dhibtooday si aan taariikh fiican u sameeyo. Costa waa ciyaartoy fiican, taasna qof kasta ayaa og, tani waxay ahayd kaliya hal waqti. Gooldhaliyaha dadka qaniina ee Luis Suarez ayaa tan ka liitay”.
Inkasta oo uu Costa hore ganaax ugu mutaystay inuu dhaqan xumo sameeyay ayuu haddana Pele sheegay inay hal waqti oo kaliya ahayd, laakiin Luis Suarez ayaa hore ganaaxyo waqti dheer ah uga mutaystay inuu qaniinay ciyaartoy ay iska horyimaadeen isaga oo tiraba saddex jeer ilkaha galiyay difaacyo ka soo horjeeday.