Qasaaro kadhashay gaari lagu rasaaseeyay gobolka Hiiraan

0
1113

Hardline Somali Islamist militants take position during a stand-off between them and government forces north of Mogadishu

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Teedsan ee hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dabley hubeysan halkaasi ku rasaasadeeyeen gaari ay la socdeen dad rakaab ah.
Rasaasta ay fureen dadleyda hubeysan ayaa ka dhashay geerida hal qof oo rakaabka ah ka mid ah halka 4- kale dhaawacyo soo gaareen.
Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalo degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud oo ah halka gaariga rakaabka siday ku sii jeeday.
In kooxaha hubeysan rasaas ku furaan gaariga rakaabka ah ayaa ka danbeysay sida wararka aan ku heleyno darawalka gaariga oo ka madax adeegay Lacago xad dhaaf ay weydiisteen dableyda hubeysan dabeedna gaariga uu si xowli ah ku kaxeeyay ka dibna rasaas ooda lagaga qaaday.
Ma jirto ilaa iyo hada daba gal lagu sameeyay kooxaha rasaasasadeeyay dadkaasi rayidka ah, wadada u dhaxeysay Maxaas iyo Guraceel ku safrayay.