QM Oo Ciidamo Farabadan Usoo Direysa Wadamadda Ay Dagaaladda Ka Socdaan Oo Ay Ka Midtahay Somalia

0
1127
50 wadan oo caalamka ka tirsan oo sanadkaan ka qeyb ahaa kulankii 70th ee Golaha Guud ee Qaramada Madoobe, oo ay hogaamin doonto dowlada Mareykanka, ayaa banqaadan 40,000 oo askeri si loogu diro wadamo ay ka jiraan dagaalo sokeeyo sida South Sudan iyo Soomaaliya.

Dalka China ayaa ka mid ah dalalka ciidamadiisi balanqaadan waxaa ay sheegeen in ay diri doonaan 8,000 oo askri oo ushaqeyn doona sida Police-ka oo kale.

Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay in ay si bilaash ay ugu gacangeysan doonaan howgalka Nabad ilaalinta ee QM, waxaana arinta ay qeyb ka tahay 16 howgal oo laga fulin doono Aduunka oo dhan.

Madaxweyne Obma ayaa hogaamiyaasha usheegay in howgalkasi Nabada uu yahay nid waayo aragnimo ah.

“ Waan ognahay in howgallo Nabadeed in aaney aheen mid lagu xalin karo dhibaato kasta oo jirta”  ayuu hadlkiisa uu siiraaciyay.

Tabar-rucaadaan cusub ayaa waxaa ay iskugu jiri doontaa, diyaaradaha Qumaatiga uduula ee Helicopters-ka, Engineering, qlab Hospitals,Qubaro Bombooyinka ka hortaga iyo agab kasta oo looga maarmi waayo howgalka.

Britain ayaa si gaar ah waxaa loogu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Inta badan ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka.