Radja Nainggolan Oo Sabab U Ahaa Dhaawicii Halista Ahaa Ee Rafinha Oo Raali Galin Bixiyay

0
1197

Rafinha1 - Copy

Kulamadii Champions Leaque-ga ee todobaadkan la ciyaaray ayay ciyaartoy dhawr ahi ku dhaawacmeen laakiin dhaawaca ugu xun ayaa soo gaadhay labada xidig ee Manchester United iyo Barcelona ee Luke Shaw iyo Rafinha Alcantara. Labadan da’yar ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ah oo ay muddo dheer garoomada uga maqnaanayaan.
Hore waxaa raali galin u bixyay xidiga PSV ee Moreno kaas oo dhaawac halis ah u gayastay Shaw, waxaana sidoo kale raali galin bixiyay xidiga Roma ee Radja Nainggolan kaas oo dhaawac halis ah u gaystay xidiga kooxda Barcelona ee Rafinha. Rafinha ayaa xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa Barcelona laakiin dhawacii Rafinha looga dhex qaaday kulankii xalay ayaa dib udhac wayn ku ah.

Rafinha ayaa la filayaa inuu ugu yaraan garoomada ka maqnaan karo muddo lix bilood ah haddii aanu gabi ahaanba seegi inta xili ciyaareedka ka hadhay.Radja Nainggolan oo Rafinha dhaawacan soo gaadhsiiyay markii uu xidiga ree Brazil hal daqiiqo oo kaliya ciyaarta ku jiray kulankii AS Roma iyo Barcelona ayaa raali galin u diray da’yarka uu niyadjabiyay.2

Radja Nainggolan ayaa raali galintiisa ku yidhi: “Hello Rafinha, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in aan maqlo warka xun, anigu maan doonayn in aan adiga ku waxyeeleeyo, waxaan rajaynayaa in aan si deg deg ah kuugu arki doono meel garoonka ka baxsan”.