Rodgers Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Ah

0
496

Rodgers1

Tababaraha Liverpool ayaan wax dareen ah siin doonin wararka xanta ah ee shaqadiisa la xiriirinaya Jurgen Klopp wuxuuna garwaaqsaday iney muhiim tahay in Reds ay kusoo laabato wadadii guusha.
Rodgers ayaa cadaadiska uu kusii kordhay kadib markii ay guuldarooyin is xiga ku dhufteen West Ham United iyo Man United sidoo kalana uu barbaro Anfield Road kula galay Norwich City, sidoo kalana kooxda ay ku sigatay iney ka harto koobka Capital One Cup inkastoo ay markii dambe rigooreyaal kaga soo baxeen kooxda Carlisle.

Si kastaba shaqada Liverpool waxey warbaahinta si ba’an ula xiriirianyeen Jurgen Klopp oo xagaagii hore dhamaadkiisa ka tagay Borrusia Dortmund, sidoo kalana waxaa jiray kacdoon ay sameeyeen Jamaahiirta kuwaas oo ay ku dalbanayaan in Klopp kooxda la keeno.
“Marka aad koox sidaan oo kale ah macalin u tahay waxaa jiraya warar xan ah oo shaqadaada ku saabsan, gaar ahaan marka aadan guuleysan” ayuu yiri Rodgers oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Aston Villa.
“Waxaan ahay macalin ka wanaagsan tayo ahaan markii aan halkaan imaanayay sadex sano ka hor, balse waan ogahay inaan u baahanahy natiijo” Ayuu hadakiisa ku daray.
Sidoo kale Rodgers ayaa xaqiijiyay in Benteke, Firmino iyo Lovren ay dhamaan seegi doonaan kulanka Aston Villa madama aysan xidigahaan kasoo kaban dhaawacyadii ay qabeen.