Amisom oo loogu baaqay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab

0
606

AMISOM

Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxaa loogu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somaliya.

Baaqaan waxaa u jeediyay Amisom madaxda ka qaybgalaysa Shirka ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom lagu booriyay inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Shabaabka.

War-murtiyeed ay madaxdani ka soo saareen shirka ka dhinac socda kulanka ka dhacay Qaramada Midoobay xarunteeda ayey ku baaqeen in la xoojiyo taageerada la siiyo hawlgalka Militeri ee ka socda Somaliya.

Madaxdani, waxa ay sheegeen inay muhiim tahay sii dar dargelinta dagaalada Shabaab si loo curyaamiyo awooda Kooxda ay ku dagaalamayso xilligan.

Madaxdii ka qaybgashay kulanka arimaha Somaliya looga hadlaayay, waxa ay isla garteen, hadii la xoojiyo taageerada Xoogaga Amisom iyo ciidanka Dowladda inay sahlayso in laga adkaado Dagaalka lagu la jiro Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Amisom oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa ka howgala Somaliya iyaga oo haysta qalab casri ah oo dagaal, waxaana ciidamada ay awood u leeyihiin inay wiiqaan Shabaabka dagaalada kala soo horjeeda.