Sarkaal al-shabaab ka tirsan oo Mombasa laga raadinayo

0
871

Taliyaha waaxda Dambi Baarista Magaalada Mombasa ee wadanka Kenya Henry Ondiek ayaa xaqiijiyay in 30 katirsan saraakiisha booliska dalkaasi iyo kooxda booliska iyana katirsan ee ladagaalanka argagixisada ay weerar ku qaadeenj guri uu daganyahay nin layiraahdo Fariid Cumar Cawad ,oo looga shaki qabo inuu katirsan yahay saraakiisha Al-shabab.

“Wali waxaan ku daba jirnaa isaga waa uu inaga baxsaday ,balse waxaan ka warqabnaa inuu wali dalka kujiro waana sii wadi doonaa baadigoobkiisa” ayuu yiri Ondiek.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Fariid ay rumeysanyihiin in goordhow uu dib ugaga soo laabtay dalka Soomaaliya uuna damacsanyahay weeraro uu kafuliyo wadankaasi Kenya, qaasatan gobolka xeebta ah .

Sarkaal sare oo isna katirsan sirdoonka Kenya oo howgalkan ku lugta leh ayaa wakaalada wararka ee Xinhua usheegay in Cawad ay boolisku ku raadjoogaan laguna haysto u qoritaanka dhalinyaro Kenyan ah Al-shabab iyo lacaq siinta isla Al-shabab.

Wuxuu intaa kusii daray sarkaalkan oo diiday in wakaalada Xinhua ay magaciisa warbixintan u adeegsato in Fariid Cumar uu katirsanyahay kooxda lagu magacaabo Jeysh Ayman ee Al-shabab katirsan kuwaa oo ka howgala keynta Boni ee gobolka Xeebta ah ee Lamu.

Dowlada Kenya ayaa totobaadkan howlgal ka bilowday keynta Boni oo ay rumeysantahay iney ku dhuumaaleysanayaa dagaalyahano Al-shabab katirsan oo geysta weerarada dalkaasi Kenya kadhaca.