Sideen u Fahamnaa Quraanka Kariimka…?

0
685

Sideen u Fahamnaa
Quraanka Kariimka…?
كيف نفهم القرآن الكريم

Qaybta | 4aad

Waxaa Qoray:
Cali Nuur Xoogsade
‘’Waxaa idinku Qeyr badan kiini
Quraanka barta dadkana sii bara’
‘’Meelaha uu Qur’anku us soo degtay, Makka iyo Madiina,
iyo Sababaha uu ku soo deggay.’’

Decorative Lines

78 Surat An-Naba'

Suurada 78aad
An-Naba’

Suuradan waxa loogu Magac daray An-Naba’ si ay Dadka u Xasuusiso weynida Akhabaarta Qur’aanka Xambaarsan yahay, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naba’:

Suuradan waxay u taagan in ay Sugto Caqiidaad ku Saabsan Soo Bixinta Geerida ka dib ah taasoo ay aad u Inkarsan yihiin Gaalada Mushrikiinta ah.

79 Surat An-Nazicaat

Suurada 79aad
An-Naazicaat

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa An-Naazicaat ama As-Saahirah ama Adh-Dhaamah, kalimadahaan oo Dhamaan ah kalimado Suurada ku Dhex jira .

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 46 aayadood, waxa yna soo Dagatay Suurada An-Naba’ ka dib. Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naazicaat:

Suurtadan waxey Xooga Saartaa Qiyaamaha iyo Xaaladaha Aadag ee ka jira, sidoo kalana waxay ka Hadashaa Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda iyo Dhibaatooyinka dhici doona Marka la gaaro Xiligaas, waxeyna Suuradan Tusaalooyian ka Bixisaa kuwa Muraqiinta ah iyo Kuwa Mujrimiinta ah.

80 Surat Abbasa

Suurada 80aad
Cabasa

Suuradan waxaa loogu magac daray Cabasa, oo ah Kalimada Suurada ku Bilaabato,
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 42 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada An-Najmi ka dib, Musxafkana waxey kag Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Cabasa:

Suuradan waxa ay Dul haan ka hadashaa Caqiidada Islaamka iyo Risaalada, aydoo sidoo kalana wax ka tilmaanta Daliilada Muujiya Awooda weyn ee uu Rabi leeyahay iyo Kalinimadiisa Xaga Caabudida maadaama uu Abuurka koonka ku kali yahayba, waxayna Suurada si kooban u dulmartaa Abuurka Insaanka iyo Dhirta iyo Cunada Insaanka Cuno ayadoo islamarkaana wax ka xusta Maalinka Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka iyo Nimcooyinka ka jira.

Suuradan waxay kusoo dagatay Saxaabiga Indhoolaha ahaa ee C/llaahi Ibnu Ummi Maktuum oo Nabiga (Scw) tagay xili uu Mashquul ku ahaa sidii uu Dacwad u Gaarsiin lahaa Horjoogayaashii Qureysh Nin ka mid ah, ayuu C/llaahi kusoo Noqnoqday Nabiga asagoo leh i Hanuuni, Rasuulkuna Maadaama uu Mashquulsanaa ayuu kusii Jeesanayay Ninkii uu Hadalka u awday ee dacada gaarsii islahaa, taasoo keentay in ay Suuradan soo dagato ayadoo Nabiga lagu Canaantay inuu ka Mashquulay ruux Muslmiinta ka mid ah oo Hanuun Doon ah kagana Mashquulay Mushrik aan Hanuun Doon aheyn.

Arintaana waa mid ka mid ah daliilada Muujinaya Quraanka in uu Xaga Rabi ka yimid maxaa yeelay Nabiga hadii uu asaga la imaan lahaa waa u sahlaneed inuusan Naftiisa canaanan laakiin Nabiga waxaa Canaantaan iyo Quraanka oo dhanba kusoo dajiyay Alahiisa Kaliga ah.

81 Surat At-Takwiir

Suurada 81aad
At-Takwiir

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa At-Takwiir ama Kuwirat, waana Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxaeyna soo Dagatay Suurad Al-Masad ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takwiir:

Suuradan waxay si Gaar ah uga Hadashaa laba arimood in Xaqiiq yihiin.

  1. Cadeynta Xaqiiqnimada Maalinka Qiyaamaha
  2. Cadeynta xaqiiqnimada Waxyiga iyo Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

82 Surat Al-Infidhaar

Suurada 82aad
Al-Infidhaar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada An-Naazicaat ka dib, Musxafkana waxaey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Infidhaar:

Suuradan waxa si aad u Muujisaa habka ay u Dhici Doonto Saacada Qiyaamaha iyo Qaabka uu noqon Doono Koonka Marka Xiligaas la gaaro, waxeyna Suurada intaas ka dib Tilmaantaa Xaaladaha ay kala Muteysan Doonaan kuwii Baariyada ahaa iyo kuwii Faajiriinta ahaa marka lasoo Nooleeyo oo lasoo saaro Maalinta Aakhiro.

83 Surat Al-Mudhafifiin

Suurada 83aad
Al-Mudhafifiin

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 36 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Cankabuut ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudhafifiin:

Suuradana waxey daaweysay dhaqan ahaan Dadka Ganacsatada qaar waxyaabo Gaf ah aad u Fool caadeesta sida in ay Miizaanka khafiifiyaan marka ay Dadka u beegayaan oo ay wax ka Dhimaan, laakiin ayaga Markey beeganayaan Buuxsadaan, taasoo uu Allaah ugu Goodiyay in ay Cadaab daran Muteysan Doonaan marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha Miizaankaas dartiis.

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuro quseeyo Caqiidada Islaamka, waxeyna ka Sheekeysaa laba Qeybood oo kala ah Fujaar iyo Mutaqiin Qiyaamaha iyo Diiwanada lagu kala qoro, waxayna faahfaahisaa waxa Qolo walba Abaal marka ay Heli doonto

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradaan waxay Tilmaantaa in kuwa Faajiriinta ah waxyaabaha lagu Ciqaabi doono ay ka mid tahay in laga Xijaabo Rabigood oo aysan arki doonin, ayadoo Taas badalkeedna kuwa Baariyadaa lagu Abaal marinayo inay Rabigood arkaaan Maalintaas si ay ugu Nicmeestaan waayo ma jirto Nimco ka weyn Nicmadaas.

84 Surat Al-Inshiqaaq

Suurada 84aad
Al-Inshiqaaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 25 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Infidhaar ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Inshiqaaq:

Suuradan waxay si guud uga Hadashaa Dhibaatooyinka jiri Doona Marka Qiyamaha la gaaro, iyo Asuusha Caqiidada Islaamka ay tahay in la qabsado si looga badbaado Dhibaatooyinkaas.

Sidaa darteer ayay Suurada tilmaantay Badbaada iyo farxada ay heli doonaan Ahlu-Towxiidka marka maalintaas Kitaabkooda Gacanta midig loo saaro ayagoo faraxsana ay Ahaladooda Janada kula jira kula laaban doonaan, halka kuwa Maalinta Qiyaamaha beeniyay Kitaabkooda dhabarka laga siin doono ayagoo hoogayeysanaya karina weysan inay fiiriyaan waxa xun ee Camalkooda ah oo kitaabka ka buuxa markaas ayaana la galiyaa Naarta Saciira sababta loo galinayana waa Camaladoodii darteed ee Alaah Adoomihiisa ma dulmiyo.

Sabaha loo cadaabayo:

  1. Waxa ay haayeen kuwa farxad ku nool intii ay Dunida joogeen iloowsan Maalintaas murugada jirta oo tamashle ku Dhameestay Aduunkooda.
  2. Waxay Aaminsanaayeen inaan lasoo Celin doonin Maalinta Qiyaamaha ama waxaaba la dheer gaaritaanka Maalintaas ilaa uu uga si lama filaan ula kulmaan. 

85 Surat Al-Buruuj

Suurada 85aad
Al-Buruuj

Suuradan waa Makiyah, Cadadka aayadaheenu waa 22 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ash-Shamsi ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay Dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Buruuj:

Suuradan waxey guud ahaan ka hadashaa Caqiidada Islaamka, waxeyna si faahfaahsan usoo bandhigtaa gumaadkii loo geystay Dad Ahlu-Toowxiid ahaa oo Dab lagu daadiyay markii ay Diideen in ay Diinkooda xaqa ah ka tanazulaan, taasoo macnaheedu yahay in dadka Muslimiinta ah looga Baahan yahay in ay Dulqaad la yimaadaan sida Dadkaas Muslimiinta ahaa ee ka horeeyay ugu Dulqaateen Dabkii lagu gubayay si ay Diinkooda u dhowraan.

Qisadii Ahlu-Towxiidkii la Gubay:

Nabigana (Scw) waxaa uu saxaabada ugu Sheekeyn jiray Dhibaatooyin lasoo Gudboonaaday Muslmiintii hore sida in Minshaar lagu kala goyn jiray si Diinka looga leexiyo, laakiinse ay iska Dulqaadan jireen marna Diinkooda kama laaban jirin.

Suuradaan faahfaahinteeda waxaa uu Nabiga ku Sheegay xadiis saxiix ah oo uu kaga hadlay Sababta ay ku Muslmeen Dadkaas dhibaatada gaartay in ay tahay wiil yar oo Diinka ka Bartay Raahib, markii Dambana loo cadaabay Diintiisa darted ilaa uu Boqorkii cadaabayay uu ka awoodi waayay inuu Dilo Wiilka, taasoo Markii dambe wiilkii uu Sheegay in Habka kaliya ee lagu dili karo ay tahay In Magaca Allaah la Xuso marka Dilkiisa la Damacsan yahay Meel fagara ahna lagu dilo, taasoo Boqorkii Maslaxad Biday inuu yiraahdo markuu Gamuunkii iyo Qaansadii is dul Saaray yiri: Waxaan ku gamayaa Gamuunkan magac Wiilkan Rabigiisa, Wiilkiina uu sidaas ku geeriyooday, hase yeeshee waxaa arintaas waano iyo dacwo u Noqatay Dadkii daawanayay oo dhan oo yiri Waxaan Rumeynay rabiga Wiilka!!.

Taasoo sababtay Boqor Dadkaas Caabudi jireen inuu yiraahdo hadaadan Diinka Toowxiixdka ka laabanina waan idin Gubi Doonaa dhamaantiin, markii ay Hanjabaadiisa u dhaga nuglaan waayeena wuxuu ku Dhaqaaqay inuu dabka ku Guro ilaa lagasoo Gaaro Gabar Xambaarsan Wiil yar oo ay nuujineysay, markii ay Dabka Dul istaagtay ayay Wiilkeeda u naxday oo dabkii ka Joogsatay, laakiin waxaa Allaah uu ku Karaameeyay inuu Wiilkeeda la hadlo oo yiraahdo :Hooyooy Sabar Adiga waxaad ku taagan tahay Jid Xaq ah, arintaas oo Hooyadii Laabta u dajisay kuna Qancisay in ay dabka gasho si uu Diinkeeda uga Badbaado.

86 Surat Adh-Dhaariq

Suurada 86aad
Adh-Dhaariq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha, maxaa yelay Allaha Insaanka Abuuray asagoon jirin waxaa u Sahlan soo Celintiisa Geerida ka dib.

87 Surat Al-Aclaa

Suurada 87aad
Al-Aclaa

Suuradan waxaa kaloo loo yaqaan Sabaxa, waana Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada At-Takwiir ka dib, Musxafkana waxay uga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Arimaha kala ah:

  1. Allaah Tilmaamo iyo Magacyo uu Gaar u leeyahay.
  2. Quraanka iyo waxyiga Lagusoo Dajiyay Nabi Muxamad.
  3. Waano aaad u wanaagsan ee wax u tareysa Quluubta Nool, oo ay ka Faa’iidi karaan Ahlu Iimaanka.

88 Surat Al-Ghaashiya

Suurada 88aad
Al-Ghaashiyah

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 26 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ad-Daariyaat ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ghaashiyah:

Suuradan waxay Guud haan ka hadashaa Sadax Arimood oo Aaas aas ah.

  1. Maalinta Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay kala kulmi Doonan Gaalada sidoo kalana waxey soo Gudbisaa Suuradan Nicmooyinka ay Mu’miniinta ku heli Doonaan Maalintaas.
  2. Xujooyin iyo Daliilo Tusiya Allaah (Cw) Waaxid ahaanshihiisa, iyo Awooda weyn ee Alaah leeyahay ee ka Dhex Muuqata Abuurka Geela, Cirka Quraxda Badan, Dhulka Balaaran ee Fidsan.
  3. Suurada waxey Dadka Xasuusisaa in ay u Laaban Doonaan Allaah (Cw) so loola Xisaabtamo looguna Abaal Mariyo Qof walba waxuu Kasbaday Shar iyo Kheyr.

89 Surat Al-Fajar

Suurada 89aad
Al-Fajri

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxayna soo dagatay Suurada Al-Leyl, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Fajri:

Suuradan waxey si kooban uga Hadshaa sadax Qodob oo Muhiimna ah:

  1. waxey Sheegtaa qaar ka mid ah Umadihii Horeeyay ee Beeniyay Rusushii Alaah (Cw) sida Reer Caad, Thamuud, Qoomkii Fircoon, waxeyna Cadeysaa Suuradan Cadaabkii ku dhacay Gaalnimadooda darteed.
  2. Suuradan waxey Tilmaantaa in Aduunyada inta la joogo Imtixaano Shar ama kheyr, Faqri ama Maal, Insaankana Maalka Jaceylka uu u qabo awgiis ayuu yiraahdaa Rabigey wuu i Karaameeyay, Hadii faqri taabtana waxuu yiraahdaa Rabigey wuu i ihaaneeyay, asagoo Maleeya in Karaamada iyo Ihaanad Dhabta ah Maalka ama Faqriga yahay, taasna waa wax qaldan.
  3. Waxey kaloo Suurada ka Hadashaa Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira iyo Noocyada Dadka u Qeybsami Doonaan Maalinkaas, Qolo Liibaani Doonta iyo Qolo Nasiib Xumo la kulmi Doono, is;la markaana Suuradan waxey Tilmaantaa tusaalooyin lagu kala Tilmaamayo Nafta wanaagsan iyo Tan Xun.

90 Surat Al-Balad

Suurada 90aad
Al-Balad

Suuradan Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 20 aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Qaaf ka dib, Musxafka waxey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Dambe ee jezka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Balad:

Suuradn Guud ahaan waxey ka Hadashaa Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ka jira,

Waxeyna Suuradan tilmaantaa maalinta Aakhiro waxyaabaha waaweyn ee Dhici doona sida in Dadka Qubuuraha kasoo Bixi doonaan, iyo in ay la mid Noqon doonaan Maalinkaas Baalaleyda duusha ee midba meel Xooran oo kale, taasoo Macnaheedu yahay in ay wareeri doonaan Dhibaatada jirta Darteed oo ay noqonayaan Nidaam la’aan sida Xasharaadka oo kale oo midba Meel Xooran yahay.

91 Surat Ash-Shams

Suurada 91aad
Ash-Shamsi

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 15 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Qadri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Dambe ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shamsi:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa laba Arimood oo Muhiim ah :

1: Moowduuc ku saabsan Nafta Insaanka iyo waxa ay Xambarsan tahay ee Sharta ama Kheyrka ah, ee Hanuun ah ama Baadil ah.

2: Moowduuc ku Saabsan Xadgubka iyo Abaal marka ka Dhasha, waxaana Tusaale u ah jazaha xadgudubka Cadaabkii ku Dhacay Reer Thamuud.

92 Surat Al-Leyl

Suurada 92aad
Al-Leyl

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 21 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Aclaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta dambe ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Leyl:

Suuradan waxey ka Hadashaa Camalka Insaanka iyo Kifaaxa iyo Daalka uu Aduunka ku dhex Muteyasanayo, ka dibna Jazaha iyo Abaal marka uu la kulmi doono ee Nicmo ama Cadaab ah.

93 Surat Al-Dhuxaa

Suurada 93aad
Ad-Duxaa

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa:

Suuradan waxey Guud ahaan ka hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga loo Xasuusiyay si uusan Nabiga (Scw) uga Murgin Dacaayadaha Gaaladii Makah kaga imaanayay iyo Dhibaatooyinkii ay ku sameynayeen.

94 Surat Al-Sharax

Suurada 94aad
Ash-Sharax

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ad-Duxaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahayDhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Sharax:

Suuradan waxey Guud haan ka hadashaa Darajada Sare ee uu Nabiga Suuban (Scw) ku leeyahay Rabigiisa Agtiisa, waxeyna SuuradanTilmaantay qaar Nicmooyinka Nabiga (Scw) la siiyay ka mid ah sida Laabta oo loogu Nuuriyay Xikmad iyo Qur’aan, Culeyska oo laga Dajiyay iyo Magciisa oo la kor yeelay.

95 Surat At-Tiin

Suurtada 95aad
at-Tiin

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Buruuj ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Tiin:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Mowduuc oo kala ah:

  1. 1. Sida Allaah u Karaameeyay Insaanka.
  2. 2. In la Rumeeyo Maalinta Xisaabta iyo Abaal marka (Maalinta Qiyaamaha).
  3. 3. Suuradana waxay kaloo tilmaan guud ka bixisaa inuu Khasaaray oo hoogay kii aan Iimaan Sax ah iyo Camal wanaagsan la imaan Maalinta Qiyaamaha.

96 Surat At-Calaq

Suurada 96aad
Al-Calaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 19 Aayadood, waana Suuradii ugu Horeysay ee soo Dagatay, Musaxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Calaq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Arin oo Muhiim ah:

  1. Biloowgii waxyigii kusoo Dagay Nabi Muxamad (Scw) oo ah Nabigii ugu Dambeeyay.
  2. Insaanka Kibirka uu ka helo Maalka iyo sida uu Amarada Allaah (Cw) uga Horyimaado.
  3. Qisadii Fircoonka Umadan (Abii Jahal) iyo Dhibaatada uu u geysan jiray Nabiga sida inuu ka reebi jiray inuu Caabudo Rabigiisa (u Tukado).

97 Surat At-Qadar

Suurada 97aad
Al-Qadri

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Cabasa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qadr:

Suuradana waxey ka Hadashaa Waqtiga uu ku Beegnaa dagitaankii Quraanka markii u horeysay iyo Fadliga uu leeyahay Habeenkaas oo ka midka Bisha Ramadaan ee loo yaqaan Leylatu-Al-Qadriga, kaasoo ah Habeen ka Fadli Badan xaga Cibaadada waxa uu u dhigmaa Cibaado Kun Habeen la sameeyay oo kale, isla markaana Malaaikta ay ka soo dagi Samada Nabadna ah, sidaa darteed waxaa wanaagsan Habeenkaas in si aad ah loogu Dadaalo Cibaadada iyo helitaankiisaba, waxaana Nabiga uu Sheegay inuu ku dhex jiro Tirada Kisiga ah ee Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan, taasoo macnaheedu noqanayo in 10ka Habeenba dadaalka la kordhiyo.

98 Surat At-Beyinah

Suurada 98aad
Al-Bayinah

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Adh-Dhalaaq ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Bayinah:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Mowduuc oo kala ah.

1: Mowqifka Ahlu Kitaabka ka taagan yihiin Risaalada Nabi Muhammad kaasoo ah Mowqif ku dhisan Inkirmo iyo Xasad waxaana Taariikhada ka Buuxa Tusaalooyin fara badan oo muujinaya arintaas waxaana ka tilmaami karaa si kooban markii uu Nabiga yimid Madiinaha uu ay qaar Yuhuudii Madiina daganeed ka mid ahaa is weydiiyeen Ninkanu Nabigii ma yahay waxay yiraahdaan, markii ay ka sheekeesteen Mowqifka ay qaadanaayaan waxaa uu Xuyay Ibnu Akhdab yiri: Waxaan Go’aansanahay inaan Naceeyo Inataanba noolahay, Dhanka kalana Marka laga eego waxaa Ahlu-Kitaabka ku jira qaar yar oo xaqnimada Nabiga gartay Raacayna sida C/llaahi Ibnu Salaam isla Maalintuu Madiinaha yimid Markuu Hadalka Nabiga Maqlay iyo Asalada Dacwadiisa rumeeyay oo raacay.

2: Ikhlaaska (Cibaadda oo loo gaar yeelo Allaah kaliya) inuu yahay waxa ugu weyn ee looga Baahan yahay ruux kasta.

3: Mustaqbalka ay kala Mudan doonaan kuwa Mu’miniinta ah iyo Gaalada (Yuhuud Nasaaro iyo Mushrikiin), Mu’miniinta waxey Gali Doonaan Jano Nimcooyinkeeda aysan Dhamaaneyn ayagoo ku waaraya, Gaaladuna waxa ay galayaan Naar Cadaabkeedu Xanuun Badan yahay Abidkoodna ay ku jiri Doonaan.

99 Surat At-Zalzalah

Suurada 99aad
Az-Zalzalah

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Nisaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zalzalah:

Suuradan waxey aaad u Faahfaahisaa Maalinta Aakhirada iyo Xisaabka ka jira Nooca uu yahay, waxeyna Suuradan tilmaantay waxa Dadka lagu Tixgalinayo Maaliantaas in ay Tahay Hadba Camalkii ay Aduunka kusoo Shaqeeyeen, haduu Xumaan yahay iyo Haduu Wanaag yahayba.

Maalinta Qiyaamaha waxaa la keeni doonaa Miizaan lagu saaro Camalada Qof kasta ama Iimaanka Ruux walba, taasoo ay ka dhalan doonto in dadka qaar Camaladooda wanaagsan Cuslaadaan halka kuwa kalana Camaladooda Xumaa Cuslaanayaan markaasna kuwa Camalkoodii wanaagsanaa Cuslaado aad ayay ugu farxi doonaan camalkoodii Dunida ay kusoo shaqeesteen marka laga abaal mariyo, dhanka kalana waxaa aad u Murugoon doona kuwii Xumaantooda fara badneyd marka la hor keeno gafafkoodii mana jirto Maalintaas wax wax ka dhimi kara ama Ziyaadin labada qolo, mana jiro wax Maalintaas wax anfaca oo aan aheyn Camalka Suuban.

100 Surat At-Caaditay

Suurada 100aad
Al-Caadiyaat

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat:

Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:1- Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin Dagaalada Gadiidka loo Adegsado..

Xoolo Jaceylka Dadka iyo Madax adeyga ku jira inta Aduunkan la joogo. Quluubta waxaa ku Qarsoon Maalinta Qiyaame inuu Allaah (Cw) soo Muujin doono.

101 Surat At-Qaaricah

Suurada 101 aad
Al-Qaaricah

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 11 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Qureysh ka dib, Musxafkana waxaa uu kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qaaricah:

Suuradan waxey si kookooban uga hadashaa Qiyamaha iyo Culeyka jira, Shidooyinka Maalinta Aakhiro Dhibaatada Dadka indhooda saari doonaan, iyo waxa Dhici Doona sida in Dadka laga soo saaro Qubuuraha ayagoo sida Ayaxa u Firdhisan Cabsida qabaneysa Darteed.

102 Surat At-Takaathur

Suurada 102aad
At-Takaathur

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aaayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kowthar ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takaathur:

Suuradan waxey wax ka Tilmaantaa Dadka sida ay Aduunka ugu Mashquulaan ayagoo Dhaldhalaalka Aduunkana ku Sarkhaama ilaa laga gaaro Maalinta Geerida uga imaaneyso ayagoon filaneyn, taasoo Macnaheedu yahay Dadka in Quraxda Aduunka iyo Dhalaakeeda looga wado si Kado ah ayagoo u Guura God Mugdi ah iyo Cidlo.

Suuradan waxey Xambaarsan tahay Digniin Cad oo ku socota Dadka in Macaanada Aduunyada iyo Mashquulkeeda in aysan iloowsiin Cidlada iyo Mugdiga Qabriga Dhexdiisa uga Horeya oo ay Noloshooda Dunida sahay uga Dhigtaan Safarka lama Filaanka ee Imaan kara Saacad kasta ama Goob kasta ku imaan kara.

103 Surat At-Casr

Suurada 103aad
Al-Casri

Suuradan waa Makiyah, Cadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Ash-Sharx ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Casri:

Suurdan waxey si Kooban u Tilmaantaa waxa uu Insaanka Guul oo dhan iyo Liibaan ku gaari karo ama Hoog oo dhan iyo Cadaab ku Muteysan karo:

Suuradan waxey Cadeysaa waxa Liibaan oo dhan lagu gaaraa in ay tahay in lala yimaadaa Afartan Arin ee soo socata:

  1. Imaan Dhab ah oo aan Shaki ku jirin.
  2. Camal Suuban oo Caado laga Dhigtaa, Cmalku waxuu ku Suuban yahay Hadii loo sameeyo Allaah Dartiis Sunadii Nabi Muxamadna uu waafaqsan yahay.
  3. In xaqa in la is faro.
  4. In sabarka leysu dardaarmo.

Suuradan waxaa laga fahmayaa in Dadka aan la imaan Afartaas Arin inta ay Aduunka Joogaan Maalianta Aakhiro ay ku dhici doonto Kahsaaro weyn oo ay ka mid noqan Doonaan Xaabada Jahanama oo Cadaab daran ay muteysan doonaan.

Waxaa xasuusin mudan Suuradan waxa uu ku tilmaamay Imaamu Shaafici in ay ku filnnaan laheyd Xujo ahaan hadii aanan ayad kale lasoo dajin laheyn, arintaas oo muujineysa Macnaha weyn ee ku dhex jira Suuarada.

104 Surat At-Humazah

Suurada 104aad
Al-Humazah

Suuradan waa Makiyah, Cadaka Aayadaheeduna waa 9 Aayadaood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Qiyaamah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Humazah:

Suurada Al-Humazah waxey ka hadashaa kuwa Dadka yasa ee Aflagaadeeya ama Carabka marka ay sii jeestaan ka daba taaga, ama Indhaha ku qaloociya Dadka Marka aysan u jeedin, waxayna Suuradan kuwa Dhaqan Xumidaas Caadada u tahay u balan qaaday in ay gali Doonaan Cadaab Maalinta Aakhiro.

105 Surat At-Fiil

Suurada 105aad
Al-Fiil

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Fiil oo Macna ahaan ah Maroodigii si ay Xasuusin ugu ahaato Qisadii ku Saabsaneyd Duulaankii uu Abraha oo Boqor u ahaa Xabashida uu ku qaaday Kacbada (Intii uusan Nabiga dhalan) asagoo Doonayay inuu Carabta oo dhan ku Qasbo in ay usoo Xajiyaan Kaniisad uu ka Dhisay Yaman si uu si Qasab ah Diinka Nasaarada ugu jiido, laakiin Allaah ayaa waxaa uu ku soo Diray Shimbiro Cagta Mariyay Ciidankaii Abraha oo dhan iyo Maroodiyadii Ciidanka Horjoogay.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kaafiruun ka dib, Musxafkana waxey uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurad Al-Fiil:

Suurada waxey u taagan tahay Xasuustii Mcjizadii Dhacday Xiligii uu Abraha Duulaanka ku Qaaday Magaalada Makah, Xiligaas waxa ay ku Beegneyd dhalashadii Nabi Muxamad (Scw), waxaana Allaah uu kusoo diray Ciidankii Abraha ee Duulaanka ku ahaa kacbada Shimbiro Dhagxaan ku Tuura ilaa Colkii oo dhan jabay.

Arintaan waxaa ay Muujineysay in Magaaladan Makah ay Tahay magaalo Barakeysan waloow Xiligaas Dadka Joogay ay u ahaayeen Dadka Diinkii Nabi Ibraahiim ka leexday oo Shirki Diin u ahaa, hadana Allaah (Cw) ayaa waxaa uu u Diyaaraniyay Magaaladaas in ay Maalin noqon Doonto Xarunta iyo Qiblada Diinta Xaqa ah Diinta Nabi Muxamad oo Xiligaas Dhalashadiisa ku Beegneyd, sidaas ayaana loo ilaaliyay Magaaladaas loona Jabiyay Cadwgii kusoo Duulay.

106 Surat At-Qureysh

Suurada 106aad
Qureysh

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka sidaas darteed ayaa Nicmiiyonkaas lagu xasuusinayaa in ay Caabudaan kaliya Allahii ku galadeestay oo ay Shirkiga ka haraan.

107 Surat At-Maacuun

Suurada 107aad
Al-Maacuun

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu garto, labadaas qolo waxey kala yihiin:

  1. Gaalka Inkira Nicmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka.
  2. Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.

108 Surat At-Kawthar

Suurada 108aad
Al-Kowthar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay inuu joogteeyo Salaada iyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Gowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.

109 Surat At-Kaafiruun

Suurada 109aad
Al-Kaafiruun

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadheedu waa 6 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Maacuun ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kaafiruun:

Suuradan waxey ka Hadashaa Towxiidka iyo in aan Xiriir Kalgacaltooyo lala yeelan Karin Ahlu Shirkiga, waxeyna Suuradan Muslimiinta fartaa in aysan Dabac ka galin Arimha Diinkooda ku Saabsan iyo caqiidadooda ku Saabsan sida in ay Aaminaan Diin kale oo xaq ah inuu jiri karo ama in ay u Dhaga nuglaadaan Dacwada loo yaqaan Isku Dhaweynta Diimaha samaawiga ah.

110 Surat An-Nasr

Suurada 110aad
An-Nasri

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheedu waa 3 Aayadood, waxey Soo Dagatay Suurada At-Towbah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nasri:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Guushii Muslmiinta ku furteen Magaalada Makah, iyo Islaamka sida uu ugu faafay Jaziirada Carabta oo dhan, guusha Makah lagu Furtay Bishaaradeeda waxey soo Dagatay oo Muslmiinta lasoo Gaarsiiyay Waxyi ahaan ka hor Waqtiga Guushaas.

Suuradan waxaa kaloo lagu Xasuustaa in uu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xujooyay Rag Odayaal u badan oo saxaabada ka mid ah markii ay Garan waayeena waxuu weeydiiyay C/llaahi Ibnu Cabaas si uu u dareensiiyo darajada xaga Cilmiga ee Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxuu ku Jawaabay: Suuradan waxey ka Hadashaa Geerida Nabiga in ay soo Dhawaatay, taasoo ah Macnaha saxda ay suurada Tusineysay, Nabigana waxey Suuradan Fartay Marka la gaaro Guusha Makah lagu Furanayo oo ay Dadkana Diinta kusoo Xoomaan inuu arinkaas yahay Tilamaan tuseysa Ajashiisa in ay soo dhawaatay, sidaa darteed waxaa la yiri ku Tasbiixso Mahadinta Rabigaa, Dembi Dhaafna ka dalbo waa Rabi Towbada Aqbalee.

Waxaana xasuusin mudan Nabiga marka la leeyahay dembi dhaafna Rabigaa ka dalbo inay tahay nooc Mahad Celinta Rabi ka mid ah laakiin Nabiga wax Dembi ah ma laheyn oo wuxuu ahaa Macsuum, hase yeeshee waxaa la leeyahay Markaad gaarto Maalintaas Guusha Xambaarsan ee aad Makah Furato Dadka Diinka Islaamka soo Raacayana ay fara bataan rabigaa Xus diyaar garawna Aajashaadii ayaa dhawaataye.

111 Surat Al-Masad

Suurada 111aad
Al-Masad

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Masad ama Tabat waan Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheedu waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Faartixa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beedan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Masad:

Suuradan Guud ahaan waxey ka hadashaa Halaagii ku dhacay Abuu-Lahab oo ahaa mid ka mid ah Cadawga Diinta Islaamka iyo Muslmiinta Xiligii waxyiga soo dagayay, wuxuuna Nabiga (Scw) u ahaa adeer xaga Nasabka (Dhalashada) laakiin waxuu Dagaal bareer ah ugu jiray sidii uu Diinka Islaamka u dabar Goyn lahaa, waxaana Arintaas ku Gacan siin jiray Xaaskiisa, sidaa darteed ayaa Suuradan labadoodaba loogu balan qaaday Hoog iyo Halaag inuu ku Dhici Doono.

Suuradan waxey Daliil Cad u tahay in aysan waxba Qiimaha ku Fadhin Dhalashada Xaga nasabka ah Hadii aysan Dadka Wanaaga iyo Xaqa isku Raacin, maxaa yeelay Ninkan loo yaboohay Hooga waxaa uu ahaa Nabiga Suuban (Scw) Adeerkiis.

Dembi ama Wanaag Lama kala Dhaxlo:

1: Qisadii Nabi Nuux markii Doonta lagu badbaadiyay in la Halaagay dad uu Wiilkiisa ka mid yahay, maadaama Wiilka uu Aabihiis ku khilaafay Diinka iyo Xaqa waxba Qiima ah malaha inuu Nabi Dhalay oo Cadaabka ugama Badbaadin Aabihiis inuu Nabi yahay darteed, waxaa kaloo la mid ah Cadaabkii ku Dhacay dad ay ka mid tahay Xaaskii Nabi Luudh maadama ay ka mid aheyd Dadka khilaafay Diin ahaan Nabi Luudh.

2: Waxaa Dhanka kalana jira inuusan Ruux xumaan ku yeelaneynin dhalashadiisa darteed ama waxa uu asaga ahaan jiray Markiisii hore, arintaasna waxaa Daliil u ah Cikrima waxaa uu ka mid ahaa Gaalada Hoagaankooda waa ina Abuu jahal markii dambe Muslmiinta ayuu ku biiray wax Dhaliil ahna kuma Laheyn inuu Aabihiis Abuu Jahal yahay, Cumara waxaa uu ahaan jiray Gaal weliba markii Dacwadii Islaamka Bilaabatay Col ku ahaa, markuu Muslimayna waxaa uu Noqday Khaliifka Labaad ee Muslmiinta wax dhaliil ahna kuma laha inuu Gaalnimo soo maray.

3: Waxaa kaloo Xasuusin Mudan arintaana waxay Dhanka kalana Naqdin ku tahay kuwa Aaminsan in Dembi lakala dhaxlo ee Nasaarada ah waayo waxa ay Aaminsan yihiin in Nabi Aadam Gafkii uu galay markii uu Janada dhex daganaa inuusan Insaanka ka harin Weligoodna daba taagan oo ay soo kala Dhaxleen ilaa laga soo gaaray waxa ay u yaqaanaan Salbintii Ciise, ayagoo ku andacooda inuu Nabi Ciise Qaaday Gafkii soo Taxnaa ee lakala Dhaxli jiray, sababtuna arintaas waxa ay gaf ku tahay Xataa Kitaabada u Qoran Nasaarada iyo Shareecada Islaamka.

Maxaa yeelay Nabi Aadam marka hore waa uu ka toowbad keenay Gafkaas, marka labaadna waa laga Towbad aaqaabalay, marka sadaxaadna Caqliga iyo Fidrada intuba ma ogala in lakala dhaxlo Gaf ama Wanaag, mida Afaraadna waxaa Aduunkan soo maray Nabiyaal fara badan Sida Nuux Ibraam iyo Caruurtiisa Nabiyada wada ahaa ma waxaan leenahay maadaama aysan Salbinta ay Naasarada Sheegaatay aaminsaneyn waa Dembiilayaal waxa ay ay Dhaxleen Dembi aysan ayaga sameyn kii sameeyaynaba loo Cafiyay.

Hadii taas ay dhacdo waa inaan Allaah Cadaalad daro ku Tuhunsaneyno, mida Kale Quraanka waxaa ku qoran Naf ma Xambaarta Dembi aysan Galabsan, waxaa kaloo Beybalada ku Qoran Wiilka ma looma qabsado gafka Waalidkii, hadaba maxaa keenay marka in la yiraahdoo Dembiyaa Nabi Aadam laga Dhaxlay ama Nabi Ciise In la Salbiyay qofkii Rumeeya ayaa dembigaas la qaadaa?!

Dadku Dhalasho kuma kala sareeyo:

Waxaa xasuusin Mudan Xaga Nasabkana inaan aysan Ruux ka reebeyn inuu Sharaf iyo Maamuus yeesho inuu ka dhashay Ruuxa Reer yar ama Adoon ahaan jiray Darteed, arintaasna waxaa Tusaale u ah Bilaal oo ahaan jiray Adoon Xabashina ahaa waxaa uu Muslmiinta ku dhex lahaa Maamuus iyo Sharaf aan lasoo koobi Karin, waxaana la mid ahaa Salmaan oo u Dhashay Reet Faaris inuu Sharaf ku gaaray Islaamnimadiisa darteed inuu Nabiga Yiraahdo: Salmaan Anaga Ahlu Beytka ah ayuu Naga Mid yahay, Halka Abuu Jahalna Halaag iyo Hoog loo Balan qaaday Gaalnimadiisda Darteed.

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan dadka Muslmiinta ah ee Soomali ku iraahdo isku Tixgaliya Toosnaanta iyo Wanaaga Qofka Naf ahaantiisa uu ula yimaado, Ruuxna yaan loo Aamaanin ama loo Dhaliilin Dhalashadiisa Darteed waayo dadka waxaa wada Dhalay Aadam oo Asalkiisu Ciid laga wada Abuuray, Ruuxna kama Fiicna Ruuxa kale Dadkana ka mid ma aha Ruux Dahab ama Qalin ama Maar laga sameeyay, sidaa darteed Ruuxna kama sareeyo Ruux kale ilaa Diinta iyo Iimaanka inta uu kaga wanaagsan yahay maahane.

112 Surat Al-Ikhlaas

Suurada 112aad
Al-Ikhlaas

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah, iyo Xaas iyo Caruur toona. Suuradan waxey Meesha ka Saartaa Caqiidooyinka Qaldan ee dadka aan Muslimiinta aheyn Allaah (Cw) ka Aaminsan yihiin.

Risaalo ku Socota kua diinka ka baxay ama Aan Muslimka aheyn Asal ahaan:

Suuradaan waxa ay Tilmaamo kooban oo aad u xeel dheer ka bixisay Sifada saxda ah ee lagu yaqaano ama lagu Aqoonsan karo Allaaha Xaqa u leh in La Caabudo waxa ayna suurdan meesha ka saartaa inuusan Illaah nimo muteysan Karin Sifooyinkaas midaan laheyn.

1: Marka koowaad waxaa is weydiin mudan Goorm ayay bilaabatay in la arko Dad Caabudaya wax aan Allaah aheyn?

Marka koowaad waxaa Xasuusin mudan Allaah markuu Insaanaka Abuuray waxaa uu ku Abuuray ayagoo Allaah kaliya Caabuda kuna toosan jidkii Towxiidka waxaase mudo ka dib biloowday in Dad wanaagsanaa si loo xormeeyo loona xasuusto Taalooyin ay u dhiseen Qoomkii nabi Nuux taasoo Jiilalkii dambeeyay u rogeen inay yiraahdaan aan Cibaadada jid aan sii marino ka dhigano dadkaan wanaaga lagu yaqaanay si ay Allaah noogu dhaweeyaan, arintaas oo aheyd gaf weyn oo ay kaga baxeen Caqiidadii saxiixa aheyd sidaa darted ayaa loosoo saaray Nabi Nuux si uu Toowxiidka iyo Cibaada uga toosiyo Nabi kastana waxaa loo soo saari jiray inuu Dadka Caqiidada ka hagaajiyo.

2: Marka labaadna waxaa isweydiin hadii uu Allaah Kali ku yahay Abuurka oo aysan jirin cid la sheegata Abuurka koonka Cirka Dhulka Bdaha Dhirta Xawaanaadka Dadka iyo wax walba oo Muuqada ama aan noo muuqan maxaa keenay in dad badan oo Cilmi Diin iyo Aqoon sheeganaya yiraahdaan Nabi Ciise waa Illaah kale ma Ruuxul Qudus (Malakul-Jibriil)?

Hadii aan si gaar ah u dul istaago Nabi Ciise ma banaantahay in la Caabudo ma la yiraahdo waa Wiil uu Allaah dhalay?

Jawaabta oo kooban ma banaana marnaba waayo waxaa ay khilaafasan tahay Fidrida saxda, Caqliga Insaanka Fayoow iyo Nusuusta Shareecada Islaamka iyo Sharciyadii lala soo diray Dhamaan Nabiyadoo oo dhan waayo Nabiyada waxa ay dadka bari jireen inuu Allaah kali yahay kaligiisna la Caabudo waxaa ay kala dagaali jireen in sanamyo ama dad caadi ah la Caabudo waxaana Tusaale u ah Nabi Nuux, nabi Ibraahiim iyo Nabi Muuse, marka hadii Maanta la arko dad saanamyo suuradood Caabudaya waxaan leenahay waxaad khilaafteen Diintii Nabiyada iyo Caqiidadoodii.

3: Marka xigtana waxaa si gaar ah u leenahay kuwa maanta ku daalay inay Cibaadada Nabi Ciise dadka ugu yeerraan ee iloobay xaqii iyo Diinkii Towxiidka ee Nabiyada side bay suura gal ku ttahay in Dad Caadi ah ama Malak ama Dhagax ama Saman la Caabudo? Sideese Dad loo Caabudaa maxuuse Dad awooda uu leeyahay?.

Hadii dadka qaar yiraahdaan Ciise waa in la Caabudaa waayo Abuurkiisu waa ka duwanaa Abuuradadii Inasaanaka Caadiga oo waxa uu ahaa Insaan leh Hooyo kaliyah oo aan Aaabo laheyn ma saxbaa?

Jawaabtu waa sahlan tahay Nabi Ciise waxaa laga Abuuray Hooyo kaliya waana Abuur ka mid ah Abuurada Allaah uu Abuuray sax laakiin waxaa jira Abuuro kale ka kasii cajab badan Abuurka nabi Ciise sida Abuurka Aaadam, Xaawo, Malaaigta, Asalka Jinka, Asalka wax kasta oo nool oo ahaa Abuur uu Allaah toos u bilaabay hooyo iyo Aabe la,aan.

Marka hadiiba wax lagu Caabudayo nooca Abuurkooda a,a ay ansaxeyo in la Caabudo waxaa ka mudnaan lahaa Nabi ciise kuwa aan soo sheegnay ama si gaar ah Aadan oo Caaro laga Abuuray aydoo rabina uu u afuufay Ruuxdiisa, laakiin marna ma banaana Nabi Aadam iyo Nabi Ciise iyo nabi kalaba ama Malag in la Caabudo waayo waxa ay ka mid yihiin Dhamaantood Adoomaha Alle uu u Abuuray inay Caabudaan sidaa darted ayuu Allaah ku yiri Quraanka asagoo waaninaya kuwa Caabuda Nabi Ciise ee Illaaha ka dhigaytay:

Suurada An-Nisaa Aayada 171 iyo 172-aad: {Ahlu-Kitaabow haku xadgudbina Diintiina hana ku dhihinina Eebe waxaan Xaq aheyn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa. Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma, saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya, waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado, waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil . Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]}.

Aayadahaan waxay si gaar ah ugu Caqli celinayaan Masaarada ama Masiixiyada aaminsan in Nabi Ciise la Caabudi kara ayagoo sababo badan iyo Tafsiiro aan sax aheyn u raadsada walow aysan aheyn sababo saxan.

Marka koowaad ugu yeeritaanka Magaca Ahlu-Kitaabow waxaa loola jeedaa Kitaabadii Nabiyada inaysan ku Oolin Nabi ka mida h Nabiyada Allaah in la Caabudo ama inuu Dadka ugu yeeray in la cabudo marka iska jira inaad ku xad gudubtaan Diimihii Nabiyada oo dhan, sidaa darteed ayuu Allaah leeyahay: [Diintiina haku xadgudbina oo ha Dhihinina waxaan xaq aheyn] Ogaasadana Masiix Ina Maryama inuu yahay Rasuul ka mid ah Rasuuladii Allaah usoo diray dadka inay uga Digaan Shirka Towxiidkana faraan.

Marka labaadna Aayadahan waxa ay si dhab ah uu muujinayay Nabi Ciise waxa uu yahay Xaq ahaan iyo Asal ahaan waxaana uu Allaah yiri: [Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah] taasoo Macnaheedu yahay Nabi Ciise waa Bishaaradii Malak Jibriil loogu soo dhiibay Maryama inuu ugu Bishaareeyo inay Wiil dhali doonto wiilkaasna inuu ku ahaandoono idinka Alle oo aysan la yaab laheyn inay dhali doonto Wiil aan Aaabe laheyn.

Marka sadaaxdana waxaa la faray [ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa] taasoo macnaheedu yahay Rumeeya Alaah Waaxid ahaanshihiisa [Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma] waayo suuragal ma aha in sadax Alle mar la wada Caabudo Aduunkana in ay kawada taliyaan maxaa yeelay marka koowaad Allaah Uunka oo dhan kaligii ayaa Abuuaray Cidna lama abuurin Caqli iyo Diin ahaana kuma banaana Ruux wax uu gaar u leeyahay in lala wadajiyo Cidkale.

Marka labaadna waxaa ka dhan lahaa hadii Koonka uu ka jiri lahaa hal Illaah ka badan in Muran iyo dagaal uu dhax maro Ilaahyada faraha badan oo mid walba wax gaar ah dalbado Caalamka oo dha Kharibmo, laakiin Koonkan waa mid Hal Maamul iyo NIdaam oo toosan ku socda taas ayaan tuseysa inuusan jirin Alle kale oo Koonaka maul ku leh oo aan ahey Aallaaha xaq ah ee Awalba asaga Abuuraytay.

Suurada Al-Ambiyaa Aayada 21 iyo 22aad: {mise waxay yeesheen [Gaaladii] illaahyaal dhulka xagiisa oo wax soo Nooleeya. hadey yhiin Dhexdooda [Samada iyo Dhulka] Illahayo way Fasaahaadin lahaayeen. waxaana ka Nazahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami}

Suurada Al-Mu’minuun Aayada 91aad: {Ma yeelan Eebe Ilmo mana aha la jirkiisa Illaah [ileen] illeen markaas wuu la tagi lahaa Illaah walba wuxuu abuuray wuxuuna ka kormari lahaa [ka adkaan lahaa]qaarkood qaar, waxaa ka Nazahan Eebe waxa ay ku tilmamayaan}

Marka waxaan leenahay hadeysan suuragal aheyn in Koonka laba Maamul ka shaqeyso oo la ay cadahay in ay Dhiaabto badan ka dhalan laheyd sidaasoo kalana Suuragal ma aha in Laba Illaah am aka badan Koonka lagu Dhex Caabudo waayo waxaa Xaqiiq ahaan Cad inuu hal Alle Abuurtay asaga kaliya ayaana Xaq in Nacmooyinkiisa lagu Caabudo.

4: Marka xigtana waxaa Ahlu-Kitaabka lagu baraarujiyay in ay Allaah Waxidaan inay u kheyr roon tahay hadii ay Xaq dhowrayaan Raxmada Rabina doonayaan [saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya] waa halkaan loogu caqali celinayaa gafka ay Aaaminsan yihiin inay ka waantoobaan waayo Allaah waa UUn mid kaliya Ilmona uma Baahna Xaasna ma laha mana jirto sabab uu haduuba Ilmo yelanayo Wiil kaliya ugu ekaado hadana Wiilkiina maba suura gasheen in la yiraahdo waa la dilay oo Cadawgiisaa ka Xoog roonaada [waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado].

Waayo ma jirto sabab uu ugu baahdo Wiil hadiise ay dhici laheyd in sax tahay Allaah ayaa wiil dhalay waxaa Sax ahaan lahaa in Aasaga lasii Dhalay opo uu yahay farac leh Asal ka horeeyay Taasna Diin ahaan iyo Caqli ahaan intuba Suura gal kuma ahan, waxaase isweydiin mudan muxuu Allaah kaga baahan yahay Wiil iyo wiilalba [waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil]

5: Marka Xigtana sidee Nabi Ciise loo leeyahay waa Alle ama sadax Alle midkood waayo waxaa u ahaa Inasaan Caadi ah Asal ahaan iyo Suurad ahaan? Side suura gal ku tahay in Ruux baahanaya Gaajoonaya, Murgaayo, Haraadaya, Hurdaya, koraya jir ahaan, ama Cilmi ahaan, Ooyaya, Alaah baryaya u Tukanaya Rabi, cadawgiisa Eryanaayaan, Yuhuud dhibaateyneysay side suura gal ku tahay in la yiraahdo asagaaba Alle ah ama alle Shirko la aha waa in lala Caabudaa si loo helo Dembi dhaaf iyo raxmad, marka suuragal ma aha in la Caabudo nabi Ciise Diin qabtana ma jirto Caqliga Insaana fayoowma kuma saxna marnaba.

Faahfaahimo ku saabsan Jumladaha yar yare aan Qodobka Shanaad ku sheegay sida inuu Cuno Cuno Cabo biyaha Hurdo Nabi Ciise iwm waxaa ay ku yaalaan Beeybalada kala Duwan ee Nasaarada Aaminsan yihiin.

Waxaan kusoo gabagabeynaa Suuradaan Al-Ikhlaas waa Suurada yar laakiin Xambaarsan caqiidada ugu saxan ee loo baahan yahay Qofkii Liibaan iyo Raxmad Alle ka rajeynaya inuu ku Toosnaado, sidaa darted ayaa Suuradaan waxaa Fadli haan uu Sheegay Nabi Muhammad inay u dhiganto Qur’aanka sadax u Dhig xaga Macluumada ay xambaarsan tahay weynideeda darteed, waayo suuradaan waxaa gebi ahaanba ka hadashaa Sifada iyo Calaamada saxa ah ee Allaha Xaqa ah la gaarka yahay inta kasoo hartana waa Adoomo uu asaga leeyahay Abuurayna oo ay waajib tahay inay Caabudaan sidaa darteed ayuu Alaah ku riri dhameestirka Aaayadihii Nasaaradii Nabi Ciise Caabuday lagula hadlayay ku yiri: [Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]]. 

113 Surat Al-Falaq

Suurada 113aad
Al-Falaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq:

Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa yeelay Insaanka waxaa Dhibaato kaga Imaan kartaa Meelo fara badan iyo waqtiyo Fara badan Sida Dugaag, Insi kale , Jini iyo wax kasta oo Dhibaato dadka gaarsiin kara.

114 Surat An-Naas

Suurada 114aad
An-Naas

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 6 Aayadood, waxeyna Mar sooo wada Dageen Suurada Al-Falaq, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naas:

Suuradan waxey ka Hadashaa In Allaah laga Magan galo Sharta Cadawga ugu weyn ee insaanka leeyahay Ibliis iyo kaalmeeyayaashiisa, kuwaasoo dadka ka leexiya Jidka Toosan ee rabi Raaliga ka yahay ee ah Jidka kaliyah ee Janada lagu gaaro, waxaana Qur’aanka Meelo badan uu Allaah kusoo Gudbiyay Dhaar iyo handadaad uu Ibliis Dhibaato kula Damacsan yahay Insaanka, arintaas oo Muujineysa Cadaawada Ibliis weynideeda iyo Kahtarta uu Insaanka ku yahay.

Gabogabo:

Intaas ka Dib: Waxaan qeybtan kusoo Gunaandayaa Maqaalkii aan ugu Magac Daray Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Ee aan kusoo gudbinay Maqaalkan ka Hor 28 Maqaal anigoo si Dul mar ah uga soo Sheekeeyay Suuradaha Qur’aanka oo dhan si ay u sahlanaato inaan Faham Guud ka helno Suuradaha Quraanka iyo Macnaha ay Xambaarsan yihiin.

Qur’aaanka oo aan fahamnaa waa Dariiqa kaliya ee Aduunkan Qalbigeena farxad iyo Daganaan ku dareemi karo, waana dariiqa kaliya ee aan ku hori marki karno kuna Xalin karo Dhibaatooyinka hada taagan, waana dariiqa kaliya ee Noo Sahli kala kara inaan garano Jidka Xaqa ah ee janada lagu Gaaro (Islaamka) iyo Jidadka Baadilka ah ee Naarta dadka u Sababa.

Qur’aankan waa kalimadii Allaah ee aysan jirin Maanta Caalamkan aan ku Nool nahay wax la Barbardhigi karo Xaga Runta iyo Cadaalada uu kaga Hadlay wax walba iyo Meel walba, maxaa yeelay Rabiga kalimadahan Xagiisa ka yimaadeen waa Rabi Cilmi Buuxa u leh wixii horey u Dhacay, waxa hada Dhacaya iyo waxa Dhici Doona iyo waxa aan Dhiciba Karin hadey dhacaan waxa Dhici lahaa.

Tusaale ahaan Qur’aankan markuu ka hadlayo Allaah iyo waxa Naftiisa ku Saabsan waxaa uu Maray Manhaj ah in allaah (Cw) Mar walba Tilmaamo Wanaagsan iyo Magacyo wanaagsan kasoo Gudbiyo isla markaana Cadeeyo in aysan jirin Cid kula Mid ah Tilmaamihiisa iyo Magacyadiisa, marna Qur’aanka ma khilaafo Manjahka Noocaas ah oo ma dhici karto in Qur’aanka lagu arko wax Meel ka dhaca ama Tilmaan Xun ka bixiya Allaah,

Dhanka kale hadii aad u Fiirsato Kitaabda ay Heystaan Umadaha aan Muslmiinta aheyn ee ay Muqadas ku Sheegaan Marka ay Allaah ka Hadlayaan Malaha Manhaj sax ah oo loogu soo Hagaago maxaa yeelay waxaad ku arkki kartaa mararka qaar ayagoo Amaanaya Allaah oo Tilmaamo wanaagsan ku sheegaya , isla markaana waxaad ka Heli kartaa Isla Kitaabadaas ayagoo Allaah ku Tilmaamaya wax aan u qalmin oo Xumaan ah.

Tusaale ahaan Yuhuuda Kitaabka ay Maanta u heestaan inuu yahay Toowraadkii Nabi Muuse laga Dhaxlay waxaa ku Qoran inuusan Allaah (Cw) aheyn Insaan Beenna Sheegin oo uusan Allaah aheyn Ina Insaan Shalaaya, laakiin waxaase khilaafsan arintaas isla Toowraadka ku qoran Qoraalo kale oo Tilmaamaya inuu Allaah ka Shalaayay waxyaabo uu Horey u Xukumay,

(ليس الله إنساناً فيكذب، ولا ابن إنسان فيندم) (العدد 23/19)

{Alaah ma aha Insaan oo Been ma Sheego, mana aha Inan Insaan ka Shalaaya wax uu Sameeyay}.

(“ ندمت على أني جعلت شاول ملكاً، لأنه رجع من ورائي، ولم يقم كلامي) (صموئيل (1) 15/10)

{Waxaan ka Shalaayay inaan Shaauul ka Dhigay Boqor, maxa yeelay Dib ayuu u laabtay, hadalkeygana kuma Socon}

Arintan waxey Muujineysaa Kitaabka Yuhuuda Maanta heysato inuu ka Kooban yahay Xaq iyo Baadil sidaa darteed marna ma noqon karo Muqadas, maadama Khilaafkaas ku Qoran ay hubaal tahay in ay aysan ka Imaaan xaga Rabi, laakiin ay Sababta iskhilaafka Abuurtay tahay in faro Dad wax lagu qoray lagu Kordhiyay kitaabkaas waxna laga dhimay.

Waxaa kaloo ku Qoran Beybalada Yuhuuda inaan Allaah la arkin, ayadoo hadana ay ku qoran yihiin Qoraalo kale oo Khilaafaya Xaqa kuwaas oo Tilmaamaya in Allaah ay Arkeen qaar badan oo Israa’iiliyiinta ka mid ah, sidaa darteed ayuu Allaah (Cw) ka yiri Kitaabka ay heestaan Ahlu Kitaabka (Yuhuud iyo Nasaarada):

Suurada Aal-Cimraan Aayada 78aad:

{Waxaa ka Mid ah (Yuhuuda ) Koox ku leexisa Carabkooda Kitaabka (Qur’aanka) si aad ugu maleysaan Kitaabka, kana Mid ma aha Kitaabka waxeyna Dhihi Aasaga wuxuu ka ahaaday Eebe Agtiisa, kamana ahaanin eebe Agtiisa waxeyna ku Dhihi Eeebe Been iyagoo Og}.

Nabiga Suuban (Scw) waxaa uu asagana Sheegay xaqiiqda Kitaabda Ahlu-Kitaabka heystaan waxaa uuna yiri:

{‘’Reer Banuu Israa’iil waxey Qorteen Kitaab, weyna raaceen waxeyna ka tageen Toowraadkoodii.’’}

(waxaa wariyay Dhabaraani X/No: 5548, waana X/ No: 2832 ee Silsilada Albaani).

Hadii aan Tusaale kasoo qaato Beybalka Nasaarada, waxaa kaaga Filan marka hore waxaaba Asal u ah kitaabkooda Kan Yuhuuda, marka labaadna Kiritaabka Injiilka (Cahdiga Cusub) waxaa ku qoran iskhilaaf aan Xad laheyn oo aad u Baahsan taasoo keentay in ay qirtaan oo ay xataa qarin kari waayeen, Tusaale ahaan mar Baadaariga la yiraahdo (القسيس فرنج) uu la Doodayay Sh Axmad (Allaha u Naxariistee) uu Qirto in Beybalkooda iskhilaaf ka Buuxan asagoo Cudur daar u Raadinayana waxaa uu yiri:

{waxaa u sabab ah inaan heynin Taxane soo guurineed Qoraaladeena in ay jireen Dhibaatooyin heystay Masiixiyiinta mudo gaareysa 313 sano}.

Qoraaga leh Kitaabka loo yaqaan (حقيقة الكتاب المقدس) Dr Robert waxaa uu yiri :

{Weligeedba lama Sheegin Kitaab ay ku jiraan iskhilaafsanaan iyo gafaf iyo Badalid ka badan Kitaabka Barakeysan (Cahdiga Cusub)}

waxaa uuna ku sheegay Qoraagaas Xaqiiqda Beybalka:

{in Madaxda Kaniisadaha ay qirsan yihiin inuu Kitaabkooda si ula kaca ah ugu dhacday Doorin,

wuxuuna yiri Qoraagaas:

Hase yeeshee waxa ay Madaxda Kaniisada isku khilaafsan yihiin Cida sameysay Taxriifka iyo Doorinta}.

Waxaa uu weliba DR Robert leeyahay:

{Qofna suura gal uma aha inuu Sheegto waligiis: inuu Allaah yahay kan wada Alifay dhamaan Kitaabkan (Cahdiga Cusub) waxa ku qoran oo uu Alaah u waxyooday Taxriifaadkaas Qoraayaasha}.

Sidoo kalana waxaa uu leeyahay ninka la yiraahdo (كينرايم):

{Culimada Diinka ee Maanta jogtaa waa isku raacsan yihiin hal arin oo ah in Kitaabkii Muqadaska ahaa uu naga soo gaaray kaliya Qeybo aad u yar, taasoo ah tan uusan galin Taxriifka}.

Hadii aan markana u Gudbo Qur’aanka Kariimka ah iyo Manhajka uu maray Marka laga Hadlayo Nabiyada iyo Rususha, waxaa Quraanka Manhaj u ah in Nabiayda oo Dhan Amaan iyo wanaag ka soo Gudbiyo Midkoodna Xumaan iyo Taariikh madow inuusan laheyn inuu noo Sheegay, Marna lagama heli karo Qur’aanka wax Meel ka Dhac ku ah Nabi Nabiyada Alle (Cw) soo diray ka mid ah.

Laakiin Hadaad u fiirsato Ahlu Kitaabka iyo Mowqifka ay ka taagan yihiin Nabiyada waxaa sahlanaan karta inaad Oagaato Xaqiiqda Kitaabada Maanta ay Heystaan.

Tusaale ahaan waxaa ku Qoran inuu Nabi Luudh Markii la halaagay Qoomkiisa ka dib Caruur ka Dhalay gabdhihiisa Muslmiinta ahaa ee Cadaabka Qoomkooda laga Badbaadiyay markii ay Aabahood Qamri siiyeen sidaasna uu Caruur uga Dhalay Gabdhihiisii, waxaa kaloo ku Qoran inuu Nabi Yacquub Xaday Duco ku socotay walaalkiis la dhashay, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Haaruun uu Caabuday Dibigii uu sameeyay Saamiri iyo inuu asagaba ahaa kan Dibiga sameeyay, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Suleymaan Sanamo ay laheyd Naag ay ku sheegeen xaaskiisa Caabudi jiray iyo inuu Boqor Saaxir ah ahaa.

Dhanka kalana Xaga Amaanta Nabiyada Labadaan Kitaab waxaa ku qoran xad Gudubyo aad u waa weyn sida in Nabi Ciise Qolo ku Tilmaanto inuu yahay wiil Sharci daro si Xaaran ah Maryama ay ku Dhashay, Qoloda kalana waxey yiraahdeen Nabi Ciise waa Wiil uu Allaah Dhalay.

Hadii aan soo koobo arimahan waxey Daliil u yihiin Kitaabadaas in aysan waxa ku Qoran wada aheyn wax kawada yimid Xaga Rabi maadama ay Iskhilaafsan yihiin oo eed iyo Amaan iska hor Imaanaya kasoo tabiyaan Nabiyada, waxaanan ugu Baaqayaa Ruuxii Faahfaahino u baahan inuu ka helo Xaqiiqda Kitabada Ahlu-Kitaabka inuu Akhiristo kitaabada uu Qoray Sheekha la yiraahdo Munqid As-Saqaar ee loo yaqaan (سلسلة الهدى والنور) ama Inuu aad u Fiirsado Cajaladaha Sh/Axmadka Hindiga ahaa ee uu Doodaha kula Galo Baadariyada ugu waa weyn Caalamka.

Sidaa darteed waxaan leenahay Quraankan waxaa uu kaga Badalan yahay Badlan yahay Kitaabada kale inaanan Marna laga Heli Karin wax is khilaaf ah Dhan kasta marka laga eego, arintana waa daliil ka mid ah daliilada Muujiya Qur’aankan inuu yahay kalimadii Alaah ee Muqadaska aheyd, waayo haduu Qur’aankan ahaan lahaa wax Dad ay Alifeen waxaa laga Heli lahaa iskhilaafyo fara Badan sida kuwa Ahlu Kitaabka oo kale.

Marka waxaan ugu Baaqeynaa marka Hore Dad Muslmiinta ah, marka Labaadna Caalamka oo dhan inay Qur’aanka u Baaraan si dagan una Fahmaan si ay u ogaadaan Xaqiiqda Qur’aanka iyo Qiimaha weyn ee uu leeyahay.

Waxaan kusoo Gababeynayaa Qormooyinkan inaan ka Cudur daarto wax walba oo gaf ah ama Gaabis ah ee aan ku Dhacay intii aan qorayay, maadma ay Hubaal tahay in wax walba ay Dad Qoraan Gaf iyo Gaabis laga helo ayna Caadi tahay in qoraa kasta uu Qoraalkiisa kusoo gabagabeeyo Cudurdaarasho ama in Dib u Qorid uu ku sameeyo qoraalkiisa si uu uga Daba tago Gafafkii ugasoo Muuqday Daabacaadihii Horeeyay.

Waxaanan u Mahad Celinayaa Dhamaan walaalaha igu gacan siiyay ama igu Dhiiri galiyay Soo saarida maqaaladan ama iimailada talooyinka igu soo siiyay, sidoo kalana waxaan u Mahad Celinayaa Maamulayaasha Webabka Afka Soomaliga ku baxa ee Fursda ii siisay in ay Begagooda hore Maalin walba ku soo saaraan Maqaalkan Qeybihiisii kala Duwanaa, waxaanan soo dhaweynayaa Talo iyo Tusaale kasta oo wanaagsan oo iigaga yimaada Dhamaan aqristayaasha sharafta badan ee aadka u lafa guray maqaaladaan.