TALISKA BOOLIISKA GOBOLADA DHEXE OO KU BAAQAY IN XUKUNO DIL AH LAGU RIDO CID WALIBA OO KUFSI GEYSATO

0
280

 

ciidamada-xoogadallka-3

Max’ed Jimcaale Cosoble taliyaha guud ee Ciidamada booliiska Maamulka Gobolada dhexe ee Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in dilal lagu rido shaqsiyaad kufsi geystay.

Taliyaha cusub ee ciidadamada Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay xabsiyada maamulka Galmudug ay ku jiraan maxaabis badan oo loo haysto in ay Falal Kufsi ah ay ka geysteen qeybo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Galmudug

Taliyaha ayaa dalbaday in cid waliba oo kiiskaasi raad ku yeelata   in cadaaladda la hor geeyo sida uu hadalka u dhigay Max’ed Jimcaale Cosoble

Shalay ayay aheyd markii saldhiga Magaalada Cadaado lagu soo  Bandhigay Rag la sheegay in ay Kufsi ka geysteen qeybo kamid ah Gobolka Mudug iyo Rag lagu soo qabtay iyagoo ka Ganacsanaya Muqaadaraadka

Simba News

LEAVE A REPLY