Taliyaha ciidanka AMISOM oo wada-shaqeyn ka dalbaday shacabka Soomaalida

0
1215

Amisom 15 (4)Isagoo booqanayay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Jonathan Rono ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi dhex mara ciidanka AMISOM iyo shacabka Soomaalida si ay AMISOM awood ugu yeelato inay caawiso shacabka, ugana guulaysato kooxda Al-Shabaab.

Gen. Rono ayaa sheegay inay Soomaaliya u joogaan sidii ay u soo celin lahaayeen nabadda, una taageeri lahaayeen dowladda, sidaas awgeedna ay shacabka ka doonayaan inay taageeraan ciidanka AMISOM si ujeeddooyinkaasi loo gaaro.

Taliyaha ayaa booqanayay ciidanka AMISOM ee ku sugan degmada Jannaale, halkaas oo dhowaan uu dagaal ku dhex maray ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa Al-Shabaab.

Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan AMISOM ayaa lagu dilay weerarka, walow kooxda Al-Shabaab ay sheegatay inay ku dishay tiro intaas ka badan.

Gen. Rono ayaa ku tilmaamay jawaabta ay ciidanka ka bixiyeen weerarka Al-Shabaab mid cajiib ah, isagoo xusay in ka go’naanta ciidanka AMISOM inay sii wadaan dagaalka ay ku doonayaan inay ku soo celiyaan nabadda Soomaaliya uu yahay mid ammaan mudan.

Bar-kulan