Waad Ka Qurux Badantahay Sidaad Isku Aragtid

0
116

dove

Shirkada ku caan baxday saabuunta lagu quweeysto/meydho ee Dove ayaa taas beensay markey tijaabo galisay.

Shirkadan ayaa shaqleysisay xirfadeyste sawira dadka dambiga gala oo aan wali la heyn muuqaalkooda (forensic artist), Gil Zamora si uu u sawiro haween u sheegaya qaabkuu wajigooda u egyahay asagoon arkin. Xooga kabacdi dad arkay ayaa u tilmaamaya qaabkey u egyihin haweenkas. Ugu dambeynti ayaa marki leys barbar dhigo labada sawir aya waxa qurux badnanaya kan dadka kale u tilmameen fanaanka.

Farqiga ugu weyn labada sawir ayaa noqday in xanaaq iyo cadho ka muuqatay qofka marku sharaxay siduu u egyahay iyo markii dadka kale sharaxeen. Haweenkan oo qiirooday marki la tusay labada sawir oo fanaanka sawiray, ayagoo waliba qeybtood ilmo kasoo daadatay. Dove oo xayeysiis ahan ula jeeda tusmadan aya ugu magac dartay ‘Beauty Sketches’ halheysna uga dhigtay ‘you are more beautiful than you think’. Waa run waad ka qurux badantahay sidaad isku maleysid inaad u egtahay.