WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Guddoomiye Cusub u soo magacaabay Gobolka Nugaal

0
1182

war-deg-dega121

War hadda Naga soo gaaray Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, uu Guddoomiye cusub u soo magacaabay Gobolka Nugaal.

Cumar C/laahi Faroole ayaa Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, waxaana Xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee hore ee Gobolka C/laahi Ciise Aw-axmed oo muddo dhowr bilood ah xilka hayey.

Magacaabista Guddoomiyahaan Cusub ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan Degmada Garoowe loosoo dhisay Gole Deegaan ayna doorteen Guddomiye iyo ku xigeenkiisa, iyadoo sida Allpuntland loo xaqiijiyey Duqqa Degmada Garoowe iyo Guddoomiyihii Gobolka C/laahi Ciise ay isku hayb yihiin, sidaas darteedna labo masuul oo isku hayb ah aysan hayn karin xilalka Gobolka iyo Caasimadda.

Col. Cumar C/laahi Faroole ayaa horay usoo ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Xilligii Madaxweyne C/raxmaan faroole.

Faah faahinta warkaan Wararkeenna dambe kula soco