Wararkii ugu dambeeyay gobolka Sh/hoose iyo Al-Shabab oo la wareegtay degaano hor leh

0
31

maleeshiyo_alshabaab

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saakay ay kacsan tahay degaano hoos taga degmada Shalaambood iyo tuulooyin ku dhow dhow.
Xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saddex degmo oo ku taala gobolka Sh/hoose, iyagoona la wareegay mid ka mid ah degmooyinkaasi, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan qeybo ka tirsan gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo AMISOM, halka xarakada Al-Shabaab-na ay iyana bilaabeen diyaar garow dagaal.
Qaar ka mid ah qoyasas ku dhaqan degmooyinka Shalaambood, Qoryooley iyo degaano kale ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, kaddib markii ay cabsi ka muujiyeen in waxyeello ka soo gaarto dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ka socda.
Dhinaca kale ku dhowaad toban ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa la soo sheegayaa in dagaalada xalay ka dhacay degmooyinka ku teedsan wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.