Warbixin: Ruux dad ku laayey Jowhar oo la qabtey.

0
1598

jowhar

Wararka laga helayo magaalada Jowhar, xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada degmadaasi ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in fal dambiyeed uu ka geystey halkaasi.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga degmada Jowhar Geele Isaaq Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen ruux hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay bartamaha magaalada.

Wuxuu sheegay Taliye ku-xigeenka,in ruuxa hubeysan oo aan ka tirsaneyn Dowlada rasaas uu furay ay sababtay in seddex ruux waxyeelo ka soo gaartay.

Mid ka mid ah 3-da ruux ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray,waxaana Labada kale loo soo qaaday magaalada Muqdisho si halkaan loogu dhabiibo.

Gacan ku dhiiglaha gacanta lagu dhigay ayaa hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Eedeysanaha ayaa hada sugaya in la horgeeyo cadaalada si danbiga loogu qaado.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada magaalada Jowhar gacanta ku dhigaan qof dil geystay
Xafiiska Markacadeey ee Magaalada Jowhar

SEE MORE NEWS